Wasiir Ingiriis Ah Oo Sheegay Inay Dawladoodu Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhiirigelisay Ka Qayb Galka Shirka London Ee Somaliya Loo Qabanayo

0
830

 

siilaanyoLondon(Geeska)-Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda oo sidoo kale ah wasiirka caaqiidooyinka iyo horumarinta bulshada ee dalka Ingiriiska Ms. Baroness Warsi, ayaa sheegtay inay dawladooda Ingiriisku; Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhiirigelisay inuu ka qayb galo shirka London ee loo qabanayo Somaliya.

Wasiir Barones, oo 25-kii bishan dhammaatay ee Feebarwari ay su’aalo weydiiyeen aqalka odayaasha Ingiriisku, ayaa waxa su’aal ku saabsan Somaliland iyo shirkaas weydiiyay Lord Avebury oo caan ku ah u doodista qaddiyadda Somaliland, waxaanu wasiirada weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa bal inay qorshanaynayaan inay shirkaas 7-da bisha May ku martiqaadaan Somaliland, waxaanay wasiiradu ku jawaabtay, “Annaga [Ingiriiska] iyo dawladda Somaliya, Waxaanu xilligan ku hawlanahay qorshaynta shirkas. Xoghayaha arrimaha dibedda iyo arrimaha Barwaaqo-sooranka Mr, William Hague, ayaa ku dhiirigeliyey Madaxweynaha Somaliland inuu ka qeybgalo.”

Shirkan uu Ingiriisku qabanayo bisha May ee sannadkan, waxa wada jir u guddoomin doona Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron, waxaanu Ingiriisku sheegay in ujeedada shirku tahay sidii taageero caalami ah loogu raalin lahaa dawladda Somaliya si ay dib u dhis ugu samayso dalkaas Somaliya.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhawaan sheegay in tallo qaran laga yeelan doono shirkaas Ingiriiska, laakiin ilaa hadda waxa laga sugayaa taladii qaran ee uu sheegay. Waxase ka qayb galka shirkaas khiyaamo qaran ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu shirkaas qaadaco, waxase ay bulshadu sugaysaa go’aanka ugu dambeeya ee shirkaas ka sugaysaa Madaxweynaha Somaliland.