Ma Dhabaa In Qof Shacab Ah Qandaraas Lagu Siiyay Cusboonaysiinta Basaborka

0
520

 

passportsHargeysa(Geeska)-Ka dib markii ay dhawaan xukuumadda Somaliland sheegtay in Basaborka Somaliland loo rogi doono qaabka casriga ah ee loo yaqaano Elektroonig (E- Passport), ayaa waxa soo baxayay warar sheegaya in dad badani doonteen qandaraaskaas.

 

Xukuumadu waxay sheegtay in ay casriyaynta Basaborka Somaliland go’aansatay ka dib markii ay dawlado kala duwani kula taliyeen, si looga digtoonaado dhinaca ammaanka. Tan iyo wakhtigaasna lama sheegin goorta iyo wakhtiga laga guurayo Basaborkaas hore ee Somaliland. Waxase jira warar soo baxaya oo sheegaya in dib u cusboonaysiinta Basaborka Somaliland qandaraas lagu siiyay qof shacab ah oo aan dawladda wax xil ah ka haynin balse balse lagu tiriyo in uu ka ag dhow yahay madaxtooyada. Taliska laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin haddii uu rumoobo warkan sheegaya in qof shacab ah qandaraas lagu siiyay dib u samaynta Basaborka, waxa soo baxaya dhawr qodob oo walaacooda leh. Tusaale ahaan marka koowaad waxa xukuumadda ceeb ku ah in Dhukumenti uu dalku leeyahay oo sidaa u muhiim ah samayntiisa loo gacan geliyo qof shacab ah oo isna ka soo samayn doona dal shisheeye iyo dhibaatada labaad oo ah in inta badan qandaraasyada dalka lagu bixiyo wada hadal hoose iyo ujeedooyin aan caddayn, kaas oo keenaya in la qaato qiime kasta oo uu qandaraasluhu soo diyaarsado mar haddii aanay jirin cid kale oo la tartamaysa ama si daah-furan oo sharciga waafaqsan aan loo marinayn hay’adaha dalka u qaabilsan, taas oo saamixi lahayd in dhawr qiime la kala doorto.

Si kastaba ha ahaate, warkan oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah u soo shaac baxo, waa mid ay bulshadu u dheg taagayso, waxaana la arki doonaa qofka qandaraaska lagu siiyay oo ay magaciisa iyo awoodiisu banaanka u soo baxdo, wargeyska Geeska Afrikana waxa uu hadda ku gudo jiraa xog baadhis arrintaa la xidhiidha.