Xoghayaha Guud Ee Xisbigii UDUB Oo Beeniyay In La Xidhay

0
512

udubHargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbigii  UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse, ayaa beeniyay inay ciidamada ammaanku xabsiga u taxaabeen habeen hore. Mareegaha Internetka ayaa lagu baahiyay in xoghayaha guud ay ciidamada ammaanku xidheen habeen hore, iyagoo sheegay inuu alaab ka guranayay xarunta xisbiga UDUB ee Hargeysa.

Hase yeeshe Mr. Xaliim oo sidoo kale ah ku simaha guddoomiyaha UDUB, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika ayaa beeniyay warkaas, “Waxaan doonayaa inaan beeniyo war aan ka naxay oo la qoray oo sheegaya in aniga lay xidhay. Warkaasi waa been abuur iyo sumcad ka dilis, wax ka jiraana ma jiraan.” Ayuu yidhi xoghayaha guud ee UDUB.

Mr. Cabdixaliim, wuxuu sheegay inay bishii hore dad aanu magacaabini u soo dhaceen xarunta xisbiga UDUB oo ay ka qaateen qalab kala duwan, waxase uu sheegay in markii dambe uu sii daayay. Isagoo ka hadlaya habeen hore mar uu xarunta xisbiga goor dambe yimid iyo wuxuu ka soo doonay wuxuu yidhi “Aingu masuulkii u sareeyay ee xisbiga ee dalka jooga ayaan ahay  ma jirto sabab igu kelifta inaan allaabtii xisbiga saq dhexe gurto.  Wakhti habeen hore ay sagaalkii ahayd ayuu gaadhka xaruntu ii soo sheegay  dhallinyaro meesha soo weeraratay,  aniga iyo agaasimaha maamulka ayaa tagnay oo dhallinyaradii booliska ayaa meesha ka dareeriyay. Markaas intaas ayuun baa dhacday mana jirto cid I xidhay.”