Ciidamada Booliska Burco Oo Gacanta Ku Dhigay Ninkii Xaaskiisa Gawracay

0
517

Picture1Burco(Geeska)-Ciidamada Booliska magaalada Burco ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto dambi ah inuu Jimcihii gawracay xaaskiisii oo Alle haw naxariiste markiiba geeriyootay.

Ninkan ayay ciidamada Boolisku magaciisa ku sheegeen Maxamed Axmed Xirsi, waana nin dhallinyaro ah. Taliyaha qaybta Booliska ee Burco oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay qabashada ninkan gacan ka gaysteen qaraabadiisa oo Booliska ku garab istaagay in gacanta lagu soo dhigo, waxaanu taliyuhu sheegay in haweenayda uu ninkani gawracay ee xaaskiisa ahayd uu magaceedu ahaa Marxuumad Fatxiya Daahir Aadan oo 18 jir ah. Sarkaalkan Booliska ahi wuxuu intaas raaciyay inay boolisku qabteen ninkan wakhti la doonayay in si dhuumasho ah looga saaro magaalada Burco.

Maayarka magaalada Burco, oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen ninkaas Jimcihii dilay xaaskiisa.