Jaamacada Carabta Oo Madaxweyne Bashaar Ugu Baaqday Inuu Xilka Iska Casilo

0
684

Picture1Syria(Geeska)- Waddamada Carabta ayaa u soo jeediyey madaxweyne Bashaar Assad inuu xilka ka dego, iyadoo ciidamadiisu weeraro cusub ku qaadeen mucaaradka magaalooyinka Dimishiq iyo magaalada labaad ee Aleppo.

Hadal wadajir ay uga soo saareen Isniintii shalay ka dib kulan ay ku yeesheen Doha, ayey wasiirada arrimaha dibedda carabtu u soo jeediyeen Asad, “inuu xilka ka dego” taasoo u ballanqaadeen in isaga iyo qoyskiisa u saamixi doonaan wado amaan ay ka baxaan. "Waxa la gaadhay go’aan in si degdeg ah madaxweyne Asad xilka uga dego," ayuu Raysal-wasaaraha Qatar, Sheikh Hamad bin Khalifa Al-Thani u sheegay saxaafada, ka dib dhamaadkii kulan ay isniintii yeesheen.

Jamacada carabta ayaa u soo jeediyey ciidamada xoraynta Syria iyo mucaaradka inay sameeyaan dawlad-ku-meel-gaadh midnimo qaran, iyagoon ka fekerin sida dawladaasi noqon doonto.

Jaamacada carabta ayaa sidoo kale u soo jeediyey golaha amaanka inay ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa “Aag diyaaraha ka caagan” iyo “Goobo mucaawinooyinka” lagu qeybiyo.

Dawlada Maraykanka ayaa u soo jeedisay Axadii in “loo raaci doono” saraakiisha Syria adeegsiga iyo soo saarista suntan kiimikada dalka. Warar aan la hubin ayaa saadaalinaya in ciidamada Asad isu diyaarinayo adeegsiga suntan kiimikada inuu ku badbaadiyo maamulkiisa.

Sheikh Hamad aya au soo jeediyey Assad inuu "Joojiyo burburinta iyo xasuuqa oo qaato go’aan geesinimo leh" oo iska casilo xilka uu hayey ilaa sannadkii 2000.

Wakaalada SANA qaranka Syria ayaa cadeysay in ciidamadu sifayn ka sameeyeen xaafada Qaboon, ee caasimada waxay ugu yeedheen “Argagaxiso” oo xukuumadu u taqaan mucaaradka. "Ciidamadu waxay duqeyn ugu geysteen xaafada Barzeh ee Dimishiq kaareyaal iyo gawaadhida gaashaaman," koox degan Ingiriiska agaasimahooda Rami Abdel Rahman aya asheegay, isagoo raaciyey in ciidamo shiishyahano ay saareen daaraha dushooda.

Dhinaca kale, xukuumada Israel ayaa dacwad u gudbiyey UN ka dib markii ciidamada Syria wiigii hore ka soo talaabeen dhulka ciidamada ka caagan ee buuraha Golan Heights ee labada wadan kala qeybiya.