Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dagmada Gabilay ayaa maayar cusub doortay ka dib markii isku shaandhayntii ugu danbaysay uu madaxwaynuhu Maayarkii hore ee Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed muuse u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha.
Xildhibaanada Golaha Deeganaka Gabilay ayaa maayarka cusub u doortay Xildhiban ka soo baxay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ah xildhibaan Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi .
Maayirkan ayaa noqonaya maayarkii labaad ee ay Golaha deegaanka degmada Gabilay yeeshaan tan iyo intii la soo doortay Golaha Deegaanka Gobalka Gabilay.
Dhinaca kale waxa xusid mudan in Maayarkii hore ee Gabiley ee loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Warshadaha uu noqonayo Maayirkii ugu horeeyey ee xil Wasiirnimo loo doorto, iyada oo ay jirto in xilkan Wasiirka Warshadaha uu iska casilay Abiib Tima-cad.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale hore ugu magacaabay xilal Wasiirnimo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida,