Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Oo Rajo Ka Muujiyay Inay Axmed Dhagax Iyo M/Haybe Heli Doonaan Biyo

0
571

Hargeysa(Geeska)-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa sheegay in Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, oo ah labada Degmo ee Biyo yaraanta ugu badani haysto, ay Biyo gelin iyo Biyo balaadhin ku sameeyn doonaan Sannadka soo socda, lacagta ku kacaysa ay tahay Afar Milyan oo ka mid ah Lacag wakaalada Biyaha Hargeysai ay  ka heshay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Hargeysa ayaa mar uu shalay ka hadlayay shirka lagu daah-furay sanduuqa SDF ee ka socda Hargeysa,  ayaa sheegay inay kordhin doonaan Biyo balaadhinta Magaalada Hargeysa  rajo fiicana ka muujiyay Qorsha Mustaqbalka Biyaha Hargeysa, isaga oo xusay inay Biyo dheeraad ah ku soo dari doonaan Geed Deeble, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay  “ Noloshu Waa Biyo, Biyuhuna waa Nolosha. Sidaasi darteed Hargaysa dhibaato weyn oo xagga Biyaha ah baa ka taagan, sababtoo ah, China Markuu Biyaha Hargeysa samaynayay wuxuu ugu tala galay in Biyahaas ay isticmaalaan Boqol iyo Sideetan Kun oo Qof(180,000). Maantana Tira koob Rasmi ah lama hayo, laakiin Qiyaasta Magaalada Dadka ku nooli waa Milyan iyo Jar-jar. Sidaasi darteed ayay 23-kii sanno ee Somaliland jirtayba Dhibaatada biyuhu way taagnayd”.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maanta Waxaa Illaahay Mahadii ah, inay Mashaariic muhiim ah oo ay tahay in la bar-bar istaagaa Hargeysa ka socdaan. Mashruuca ugu weyn ee Hargeysa ka socda, Waa Mashruuca Midawga Yurub Lacagtiisa bixisay ayna fulinayso Hay’adda la yidhaahdo UN-habitat. Mashruucaas Wakhtigiisii iyo sidii loogu tala galay ayuu u socdaa."

Maareeyaha oo mar uu ka hadlaayey biyo dheeraad ah oo lagu soo kordhin doono Biyaha Geed Deeble ayaa yidhi “Wejiga 1-aad Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay nasiib u heshay inay Sanduuqa horumarinta Somaliland ka hesho Laba milyan iyo Boqol iyo Shan iyo Sagaashan kun oo Dollar. Lacagtaas waxaanu ugu tala galay in si Biyaha Hargeysa u Kordhaan Degaan Biyo ku jiraan dhulkiisa hoose oo la yidhaa Hora-haadley oo ka shisheeye Geed Deeble Biyo laga soo saaro ka dibna Biyihiisa la soo gaadhsiiyo Geed Deeble. Waxaanu rajaynaynaa in Mashruucaasi oo hadda nashqadiisii dhamaatay marka uu dhamaado Maalintii uu Geed Deeble ku soo kordhiyo Saddex Boqol oo Mitir kuyuubig”.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka hadlaya biyo gelinta Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo Lacagta ku baxaysa ayaa yidhi

 “Sannadka 2015-ka waxaanu rajaynaynaa in Biyaha Hargeysa yimaadaa Laban laabmaan. Intaasi ka dib Hargeysa way wada biyo la’dahay laakiin, way sii kala daran tahaye waxaa mudnaan noo noqday in Afar  Milyan Dolar oo kale oo aanu ka helay Sanduuqa Somaliland Development Fund in Biyo lagu gaadhsiiyo laba degmo ee ugu sii daran ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax. Waxaanu ugu tala galay in Beebkan Sheedaha ku yaala toos uga yimaado uu Axmed Dhagax Toos u tago, halkaana laga sameeyo Barkad weyn oo sideed boqol oo Mitir Kuyuubig qaada, taasi oo Biyaha u qaybin doonta Xaafadda, ka dibna barkaddaasi oo kalena laga sameeyo Degmada Maxamuud Haybe oo iyana u qaybisa Xaafadaasi Biyaha”