Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Digay Heerka Ay Qabyaaladu Maanta Dalka ka Marayso

0
469

Picture4Hargeysa(Geeska):-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Cabdillaahi Jawaan) ayaa ka hadlay wal walka ay muddooyinkii danbe ay Xisbiyada Mucaaradku ka muujinaayeen in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinka Madaxtinimada iyo Baarlamaanka wakhtigii loogu tala galay,waxaana uu tilmaamay in aan Xukuumadu ku shaqa lahayn qabashada Doorashooyinka,balse ay Komishanka Doorashooyinku ku shaqo leeyihiin qabashada Doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Md:Cabdilaahi Jawaan ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maalintii shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa.“ markasta waxaan maqlaa Dawladdu doorashada ha qabato, waa Dawladdi Doorasho shaqo kuma leh. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee Madaxabanaan ayaa doorashada ku shaqo leh. Waa haddii aan Dhaqankii Komishanka la bedelin oo wax kale laga dhigin. Anagu markaanu Komishanka ahayn Dawlad waxba maanaan waydiin jirin. Waxaanu waydiin jiray uun Miisaaniyadda aanu Doorashada ku qabanayno qaybta kaga aadan, oo aanu odhan jiray intaanu soo samaysano Madaxweyne Waxaas iyo waxaas ayaanu u baahannahay ee noo dhaqan gali. Ka dibna AKoowkayaga ayaa naloogu shubi jiray.” Ayuu yidhi Md:Cabdillaahi Jawaan.

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa waxaa uu sida oo kale uu si xooga uga dayriyey heerka qabyaaladu maanta ka marayso dalka,waxaana uu carabka ku dhuftay in kaliya ay dadka isku deegaanka ah ee meel wada dagta ay dan wada yeelan karto.

“Maanta inla Tumo Durbaan Habar Magaadle ma taalo meesha, Mid Habar Jeclo in lagu faano oo la yidhaahdo Taayadu way gaamurtayna Meesha ma taalo. Waxa weeye Umaddani waa umad walaala ah, waa Umadda isku dan ah, haddii laga tagi waayo intii isku deegaan ah ee meel wada degta ayaa dan wada yeelan karaysa.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan.