Gudi Ka Hawlgashay Khilaafka SOLJA Oo Soo Saaray Go’aamo Hordhac Ah

0
735

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddi ka tirsan saxaafadda Somaliland oo isku xilsaaray xalinta khilaaf ka dhex qarxay urur saxaafadeedka SOLJA, ayaa guulo hordhac ah ka gaadhay xal u helida khilaafkaas, waxaanay ku guulaysteen inay labada dhinacba ku qanciyaan inay ergadooda aqbalaan.

Afhayeenka guddigaas saxaafadda ah Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), ayaa xalay sheegay inay guddiga oo ka kooban shan xubnood ay toddobaadkan bilaabeen isu soo dhawaynta labada garab ee SOLJA, iyagoo la yeeshay kulamo kala duwan, waxaanay guddigu xalay soo saartay go’aamo hordhac ah.  “Toddobaadkan ayaanu bilownay hawshayada, labada dhinacba waanu la kulanay oo kalsooni ayaanu ka qaadanay. Guddigi ay kulan isugu timid xalay waxay uga mahadcelisay labada dhinac ergada ay ka aqbaleen iyo inay si masuuliyadi  ku jirto u aqbaleen ergadii odayaasha saxaafadda, kalsooni buuxdana siiyeen in hawshaas lagu dhammasytiro sharciga.

Guddigu waxay soo saartay saddexdan qodob oo kala ah:

1. Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.

2. Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.

3. Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.