Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

1
595

Hargeysa (Geeska) – Maareeyaha dekedda Magaalada Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa ka hadlay eedaymaha xubnaha golaha wakiilada loogu jeediyey ansixinta xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka, oo la sheegay in qaarkood lacag laaluush ah la siiyay.

Maareeyaha Dekeda Berbera oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ku amaanay soo curinta xeerka wadooyinka, waxaanu u rajeeyay in Alle hawlaha qaranka u fududeeyo.

Maareeyaha dekeda Berbera wuxuu beeniyay warar laga baahiyay oo sheegayay inuu lacag siiyay qaar ka mid ah xildhibaanada xeerka u codeeyay, isagoo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annigu dekada Berbera ayaan masuul ka ahay, Baarlamaankuna waa hay’ad weyn oo waddanka ka dhisan waana dadka sharciga inoo sameeya, waana masuuliyiin sar sare, waxa Warbaahinta lagu qoray waan arkay, taasina anniga oo kaliya ceeb iguma aha ee baarlamaankana ceeb ayay ku tahay, baarlamaankeenuna maaha baarlamaan lacag ku shaqeeya, dawladduna maaha dawlad lacag ku laaluushta baarlamaanka”

Cali Xoor Xoor, waxa uu sheegay in dhismaha wadooyinka ee cashuuraha loo saaray xoolaha iyo gaadiidka waaweyn ay tahay dan qaran “Arinka laga shaqeynayaa waa dan qaran iyo sidii wadooyinka loo samayn lahaa ee wadanka loo horumarin lahaa, isgaadhsiinta iyo ganacsiga, socodka badeecadaha iyo ibnu-aadamka iyo xoolaha, intabana waa u muhiim wadooyinku, haddii aan laga shaqeynna waxa lagu noqonayaa raf-lowdhkii, markaa baarlamaanka waan ku hambalyeynayaa talaabadii Mudakarka ahayd ee shalay (doraad) qaadeen, Wasiirka madaxtooyadana waxaan ku hambalyeynayaa curinta (Xeerka wadooyinka) waanu ku dhiirigalinayaa, waxaan leeyahay ILAAHAY hakuu fududeeyo hawsha” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa ku debaqaya lacagaha la sheegay in la siiyay xildhibaanada oo lagu xidhiidhay inuu isagu bixiyay “Baarlamaanka Cayda halaga daayo ayaan leeyahay, anniguna waxba maan samayne cayda hala iga daayo ayaan leeyahay”

Cali Xoor Xoor, waxa kale oo uu sheegay in wakhtigan diyaar-garowga Xajka lagu jiro ay xooluhu  ay si wanaagsan u socdaan “Xooluhu imika si fiican ayay u socdaan” ayuu yidhi

Comments are closed.