Maareeyaha Dekadda Berbera Oo Xaqiijiyey Warqada Amarka Ee Madaxweyne Muuse Biixi Ku Joojiyey Dhulka Raasiga Iyo Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Ku Taageeray

0
1143

Hargeysa (Geeska)-Maareerayaha Dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay dhulka Raasiga Dekadda Berbera, ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu joojiyay, xilli Xukuumaddii hore ay cid gaar ah siisay, waxaanu Maareeyuhu xaqiijiyay jiritaanka warqadda amarka madaxweynaha ah oo uu Geeska Afrika shalay baahiyay.

Maareerayaha Dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Maareerayaha Dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi aanu wax ka weydiinay waxa ka jira inay soo baxday warqada amarka Madaxweynuhu ku joojiyey raasiga, ayaa ku jawaabay “Ilaa hadda warqada amarka ee lagu joojiyey Raasigu namay soo gaadhin, laakiin way soo baxday, waana sugaynaa,waxayna na soo gaadhi doontaa beri (maanta),  Madaxweynaha Qarankuna Muddane Muuse Biixi Cabdi, isaga ayaa dalka ka masuul ah, isaga ayaa dalka ka Madaxweyne ah, talaabo kasta oo uu danta qaranka u arko inay faa’iido ugu jirto xaq buu u leeyahay inuu go’aan ka gaadho, wax kasta oo uu u arko in aanay dalka iyo dadkaba faa’iido aanay ugu jirina xaq buu u leeyahay inuu go’aan ka gaadho, sababtoo ah isaga ayaa hadda ah Madaxweynihii qaranka ee la doortay, insha allaahna horumar balaadhan ayuu dalka gaadhsiin doonaa”.

Maareeyaha Dekadda Berberi mar uu ka hadlaayey Dekadda ayaa yidhi “Dekadda Berberi waa Dekadda ugu weyn dalkeena, haddana hawsha iyo shaqada Dekadduna si fiican bay u socotaa”.

Wasiirkii hore Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo isagu hore uga digay dhulka Raasiga Dekadda, ee la bixiyey, oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in la joojiyo ayaa ku jawaabay “Waa muhiim in la joojiyo, Raasiguna Dakedda ayuu ka mid yahay, waana meelaha ay Dekaddu ka maarmayn, sida ay Dekaddu muhiim u tahay, ayuu dhulka Raasiguna Dekadda muhiim ugu yahay, markaas Madaxweynaha aad iyo aad baan ugu taageersan nahay, inuu joojiyo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here