“Maanta ( Shalay) Iyo Maalmaha Soo Socda Waxaan Ka Nasanayaa Buuqa Iyo Hawshii Xafiiska Madaxtooyada”

0
749

Boorama(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ka nasanayo buuqa iyo hawsha xafiiska madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi oo shalay hadal ka jeediyay 974-Arday oo shalay ka qalin jabiyay Jaamacadda Camuud, wuxuu sheegay inuu maalmahan soo socda la qaybsan doono ardayda Jaamacadaha kala duwan ee dalka farxada qalin jabintooda, “Maanta ( shalay)  iyo maalmaha soo socda waxaan ka nasanayaa buuqa iyo hawshii xafiiska madaxtooyada waxaan maalmahan la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacadaha ka qalin jabinaaya, waxaanan kow ka dhigay oo ugu horaysa  jaamacada Camuud , waayo waxaan ka tirsanahay bahda Camuud.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi oo isagu kamid ahaa bahdii kasoo Aflaxay Jaamacadda Cammuud, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Ardayda Qalin-jebisay, waxaana uu si gaar ah u bogaadiyey hormuudka gacanta ku haya jaamacadda oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar  maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyey.

Madaxweynuhu waxa uu aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu   khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here