Maanta: Oday Oomane Ma Ku Guulaysan Doonaa Codka Labada Gole Mise Daadkaa Qaadi?

0
876

 

oomaneHargeysa (Geeska)-Labada gole Baarlamaan ee Somaliland ee guurtida iyo wakiilada, ayaa maanta u balansan cod u qaadista go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo xilkii kaga qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ugu baaqay Mudaneyaahsa labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo wakiilada) inay maanta iskugu yimaadaan fadhi wada jir ah oo ay go’aan kaga gaadhayaan xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamada Sare Md. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane) oo Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday Sabtidii todobaadkan. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Cirro oo shalay soo saaray qoraal kooban waxa uu Mudaneyaasha ku wargeliyay inay ka soo xaadiraan fadhi wada jir ah, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Iyadoo la raacayo Qodobka 105 fiqradiisa 3-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.Iyadoo la tixgelinayo codsigii Madaxweynaha Somaliland uu labada gole ka dalbaday inay fadhi wada jir ah iskugu yimaadaan maalinta Salaasada ee 21/06/2011. Waxa Mudaneyaal la idinku wargelinayaa in labada Gole ay iskugu iman doonaan fadhi wada jir ah barrito 21/06/2011 maalinta Salaasada, saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo. Mudaneyaasha waxa laga codsanayaa inay wakhtiga dhawraan.”