Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Soo Bandhigay Qorshayaashooda Waxqabad Iyo Waxyaabihii U Qabsoomay

0
765

Picture2Gebilay (Geeska)- Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley ayaa soo Bandhigay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen, waxyaabaha qabyada ah ee ay mustaqbalka qaban doonaan iyo halka ay marayso shaqada Deegaanka ay u hayaan. 

Maayarka Degmada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse iyo Xogyaha Fulinta Cabdiraxmaan Nuur Abokor ayaa soo bandhigay wax-qabadkoodii muddadii 6-da bilood ee ay xilka hayeen iyo weliba waxyaabaha u qorshaysan inay ka qabtaan guud ahaan Deegaanka Gebilay, waxaana ay shaaciyeen Waxqabadkii lixdii bilood ee hore oo u dhignaa sidan

Waxqabadkii Lixdii Bilood ee Dawlada Hoose ee Degmada Gebilay

1- Dhamaystirka Guriga Martida iyo Qalabaynta gurigaasi oo ka kooban 4 guri oo min 4 qol iyo guri weyn oo ka kooban 3 maqsin iyo 2 hool, baaxada uu gurigu ku fadhiyaana uu yahay 80m,120m mitir.2- Dhismaha Dugsi laba fasal ah oo Isha- gudban laga dhisay.3- Dhismaha laba fasal oo ah Hilaac weyne.4- Dhismaha Biriij lugeed isku xidha Dugsiga sare ee Qalax iyo Magaalada Gebilay dhererkiisuna yahay 45 mitir oo dherar ah iyo 6 mitir oo joog ah, balacuna 3mitir waana Biriij shub ah.5- Dhismaha Wado 800 mitir ah oo isku xidha Wadada Laamiga ah ee tagta Magaalada Borama iyo wadada laamiga ah ee ka timaada Dawlada Hoose ee Gabiley.6- Iibka Beer laga dhisayo Dugsi sare oo dhismihiisu socdo, waxaan lagu iibiyay $25000 dollar.7- Iibka Cagaf Shaywal ah.8- Iibka hal Iska-rogo oo ah Shaanboo.9- Iibka Xaajiyad Niisaan ah.10- Dhamaystirka 6 Mashruuc oo uu fuliyey Golihii Deegaanka ee hore iyaga oo socdana lagu wareejiyey maamulka cusub Mashruucyadaasi waxay kala yihiin sidan.A- Laba fasal oo ku yaal deegaanka Gaashaamo (Dugsi hoose).B- Laba fasal oo ku yaal Magaalo Xayd (Dugsi hoose).C- Laba fasal oo ku yaala Deegaanka Saarey (Dugsi hoose).D- Laba fasal oo Guriga cad ah (Dugsi hoose).E- Laba fasal oo Satiile ah.F- Laba fasal, Xafiis, Istoodh iyo Laab  (Dugsiga sare ee Kala-baydh).

12- Kicinta Cagafyada beeraha lagu qodo oo ah shan Cagaf.13- Qalabaynta Dhismaha Saldhiga Booliska ee labaad ee ay hore u hir-galisay Dawlada Hoose.14- Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha Dawlada Hoose oo loo kordhiyay 100% Shaqaale hoosaadka iyo xubnaha Golaha Deegaanka oo loo kordhiyey 75%.15- Kor u qaadis lagu sameeyey Nadaafada guud ee Magaalada oo muddo 3 bilood ah lagu jiray olale Nadaafadeed kana hawl gali jireen iska rogooyinka iyo Cagafyo Shaywal ah halkaasi oo lagu qaaday kuwaas oo Xashiish ah.16- Biyo galin lagu sameeyay Dugsiga hoose dhexe ee Sh. Muxumed Warsame.17- Balaadhin iyo dib u dhis lagu sameeyay Khayraadka Degmada Gabiley.18- Qalabaynta dhamaan Xafiisyada Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley oo lagu qalabeeyey Computers iyo Furnitures.19- Xarun la yidhaahdo (Gabiley Center) oo ay hirgalisay Dawlada Hoose ee Gabiley oo lagu tababaro Umulisooyinka ka hawl gala Gobollada Maroodi-Jeex, Gabiley iyo Hawd oo dufcadii u horaysay ka qalinjabisay muddo saddex bilood ah.20- Ka qayb qaadashada Cisbitaalka weyn ee loo dhisayo dadka Dhimirka wax ka qaba, oo Dawlada Hoose ka qayb qaadatay, qiimihiisa guud 10%.21- Dib u dhis lagu sameeyay Garoonka Kubada Kolayga ee magaalada Gabiley.22- Dhismaha xarunta maamulka Gobolka 

Kaalmooyinka Dawlada Hoose ay bixisay 

1- Gurmad ay Dawlada Hoose u samaysay Ciidamada Qaranka ee jiida hore, 500 oo tanag oo timir ahna ugu deeqday.2- Gurmad Dawlada Hoose u gaysay dad dhan 250 qoys oo Daad ku qaaday Dooxa Caada bishii April kana qaaday Beerihii iyo Hanti wixii ay haysteen, waxaana  Dawlada Hoose u gaysay 250 kiish oo Raashin kala duwan ah iyo 50 kartoon oo Saliid ah,3- Buufinta Diir ku dhalatay jiida Caabudla iyo Caroyaanbo oo u dhaxaysa Xaaluf Dhul Cabirkiisu yahay 50km, kharashka ku baxayna ay bixisay Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley halkaasi uu ku badbaaday deegaanka intiisi kale.4- Xaalada Nabadgalyo daro oo ka dhacday Degmada Geed Balaadh oo ay Iskaashi ka sameeyeen Golaha iyo Gobolku halkaasna lagu kala badbaadiyay labadii beelood ee isku haystay dhul beereedka Qadawga loona kala qaaday dhulkii la kala haystay lana kala raray labadii beelood wixii kharash ku baxayna ay bixisay Dawlada Hoose. 5- Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley waxay ku caawisay Degmada Qarabsiyo $5000 oo ay kaga qayb gashay Dhismaha Gabyanka ay dhisayaan dadka deegaanka oo Biyaha Dooxa lagaga qabanayo magaalada Arabsiyo.6- Ka qayb qaadashada wadada isku xidha Kalabaydha iyo Wajaale ee ay hir-galinayso Hay’ada wadooyinka Somaliland oo ay Dawlada Hoose ee Gabiley bixiso 1km oo walba $700 dollar oo ah kirada Cagafta (Bildhawsarka ah) waxa kale oo ay dawlad hoose ee Gabiley bixisaa kharashka ciidanka ilaalada wadada iyo cagaf Shaywal ah oo ay dawlada hoose leedahay.7- Dawlada hoose waxay hirgalisay X-ray ay ka hirgalisay cisbitaalka guud ee magaalada Gabiley kaas oo imika si fiican u shaqeeyaan baahi baddana daboolay 

8- Markii xaalada caafimaad darro ka dhacay Xabsiga dhexe ee gobolka Gabiley ee ay buuxsameen dhamaan Bulaacadihii iyo Suuliyadii ay isticmaali jireen Maxaabiistu waxa dawlad hoose u dalabtay booyadaha qaada qashinka dareeraha ah si ay saaxada jeelku u hagaagto.9- Waxay dawlada hoose ee Gabiley bixisay ka qayb galkii Ciyaarihii Gobollada ee ka socday caasimada Hargeysa oo ay awood baddan saartay kharash badan oo ay dawlad hoose ku bixisay si ay ugu guuleysato koobabaka wareegyada Gobolada kaas oo ay koobkii kubad cagta sigtay laakiin ay ku guuleysatay koobkii kubada Kolayga .10- Markii ay Dawlad Hoose ay aragtay inay Jaamacadu u xidhmayso xaalada dhaqaalo sidaa daraadeed waxay ku kabtay dhaqaale taasi oo ay golaha deegaanka gabiley u ansixiyey inay jaamacada lagu kaabo bil walba $3000 dollar. 
Culeysyada haystay Dawlada hoose ee Gabiley

Wasaarada Waxbarshada oo ay bil walba siiso 20,000,000 sh.sl ayaa kaga baxa ,iyada oo taasi u dheer tahay Spare part ka gawaadhida waxbarashada. B- Wasaarada Caafimaadka oo bil walba kaga baxdo lacag dhan 15,485,000 sh.sl oo lagu bixiyo guno la siiyo macalimiinta Nurse, shaqaale hoosaadka, Laydhka iyo biyaha Cisbitaalka iyo Shidaalka.C- Bixinta biyaha, laydhka, xaabada iyo wixii hawl dulsaar ah ee ku yimaada Xabsiga dhexe ee Gabiley.D- Kharashka ku baxa Ciidamada Nabad galyada taasi oo ay ku bixiso markasta oo Ciidanku hawlgal samaynayo, waxaana joogta ah sida biyaha saldhigayada, shidaalka joogtada ah iyo Stationaryga, Tilifoonada Taliyayaasha, Saldhigyada qaybta iyo Saldhigyada kale. 

Waxyaabihii ka Hirgalay Degmada Gabiley muddadii lixda bilood ahayd

1- Xarun weyn oo Agoomeed oo ay ku baxday $1,000,000 dollar oo ah wajiga hore oo ay hirgalisay dawlada Kuwait.2- Dugsi sare oo ay hirgalisay Hay’ada Geeska Africa oo la yidhaahdo magaceeda (Imaaamu Shaafici).3- Dugsi hoose dhexe oo laga hirgaliyey Deegaanka Gobka Daarimo oo ay hirgalisay hay’ada Camuud Foundation.4- Dhismaha Xarunta Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Gabiley 
5- Dhsimaha Xarunta Wasaarada Waxbarshada ee Gobolka Gabiley.

Qorshaha Lixda Bilood ee dambe 
1- Dhismaha hal qol oo Emergency oo laga hir-galinayo Cisbitaalka guud ee Gabiley.2- Qalabaynta Dugsiyada Dawlad hoose dhistay.3- Dhismaha toddobada barkadood oo laga hir-galnayo Dugsiyadii ay hirgalisay Dawlad Hoose.4- Iibka hal Iska rogo.5- Dib u dhiska Sariibada Kala-baydh.6- Dhismaha Sariibada cusub ee Gabiley.7- Dib u dhiska Kawaanka Gabiley.8- Dhismaha Saldhiga Boolis oo cusub oo laga hirgalinayo Koonfurta Gabiley.9- Dhismaha Rugta Booliska Kala-baydh.10- Dhsimaha laba fasal oo gaar ah 
11- Dhismaha Kawaanka Kala-baydh.12- Dib u dhiska iyo balaadhinta Sariibada dhexe ee Gabiley taasi oo ay ku baxayso lacag dhan $113.169 oo Qandaraaskeedii la bixiyey.13- Dhismaha jid laami ah 1250mitir oo la xayeysiiyay.14- Banaynta wadooyinka magaalada gudaheeda oo geeduhu xidheen.15- Buux-buuxinta iyo Dayactirka wadooyinka laamiga ah ee magaalada Galbeedkeeda ah.16- Dhismaha saddex xafiis iyo marmar ka wadaniga ah oo la dhigayo Xayndaabka Dawlada Hoose