Maamulaha Hoteelka Guuled Oo Ganacsatada U Soo Bandhigay Fursado Qaaliya Oo Uu U Hayo

0
732

Picture4Hargeysa (Geeska)-, Maamulaha Guuleed Hotel Cali Cumar Xasan Guuleed,ayaa  Ganacstada kala duwan iyo Bulsho weynta reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ugu bushaareeyey inuu u hayo fursad dahabiya, oo ah inay ka faa’iideeystaan  Hoolka ama Moolka weyn ee ku yaala Guuleed Hotel, isaga oo sheegay inuu ku kirayn doono, qiima aad u jabana uu ku kirayn doono.  Maamulka Guuleed Hotel  Cali Cumar Xasan Guuleed ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayay sheegay in muddada Kiradu ay tahay Afartan Cisho oo u dhexeeya Ramadaanta ilaa Ciida, halka uu sheegay in Toban cisho oo ka mid ah, Afartankaasi cisho ay yihiin bilaash, waxa kale oo uu cidii u baahan ka codsaday inay la soo xidhiidhaan,waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay   “Aniga oo ah Maamulaha Guuleed Hotel, waxaan ugu bushaareeyeynaya Ganacstada waaweyn iyo kuwa  yaryar ee soo koraya fursad dahabiya, oo ah Bisha Ramadaan iyo Ciida, anaga oo ka kirayn doona Mallka ama Hoolka weyn ee Guuleed ku yaala, oo qiyaastiisu tahay 2000 Mitir oo laba jibaar ah, waxaana lagu kirayn doona oo loo xisaabin doona Mitirkii, iyada oo qofku uu goosan karo inta Mitir ee uu doonayo, waxaanan kirayn doona afartan cisho oo laga bilaabi doono 26/6/2014, oo ku beegan Saddex cisho horteed Ramadaan,ilaa 4/8/2014, oo Saddex ilaa Afar cisho ka dabmeyn doonta Ciida, Afartankaas Cisho Toban cisho waa Bilaash, Sodonka Cisho ee kale ayaa Kiro laga qaadi doonaa, kiradaasina waxa ay ka jabnaan doonta Intii Carwadii dhawaan laga qabtay Mallka, markaas waxa aan Bulshada reer Hargeysa iyo reer Somaliland ba meellkasta oo ay joogaan waxaanu ugu busharaynaynaa inay ka faa’iideeystaan fursadan qaaliga ah”.

Maamulaha Guuleed Hotel isaga oo ka hadlay sida loola soo xidhiidhayo ayaa yidhi “Waxa aan ka codsanaya in lala soo xidhiidho Numberada kala ah 0634427343, ama 0634743959, ama aligulaid1@yahoo.com, mar labaad waxa aan si xishmad leh aanu fursadan dahabiga idiin siinaynaa inaad ka faa’iideeystaan, Kiraduna aad ayey u jaban tahay, si aad u wanaagsan cid walba oo doonaya waanu u soo  dhaweeyn doona”.