Maamulaha DP World Oo Macno Darro ku tilmaamay Hadalkii Khayraha Soomaaliya, Si Adagna U Difaacay Somaliland

27
3305

Hargeysa(Geeska)-Maamulaha guud ee shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Saliim ayaa sheegay in dawladda Federaalka Soomaaliya aanay wax awood ah u lahayn in ay wax ka beddesho heshiiska sadex geesoodka ah ee dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda uu madaxda ka yahay ee ku aaddana dekedda Berbera.

Maareeyaha guud ee DP World, Suldaan Axmed Bin Saliim oo u warramay talefishanka Dubai oo laga leeyahay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafii dhowaan ka dhex qarxay shirkaddiisa iyo dawladda Jabbuuti oo shaqadii dekedda Dooraaleh ka joojisay shirkadda DP World.

Bin Saliim oo ugu horreyn ka hadlayey sida uu u arko hadalka ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya ee ku liddiga ahaa heshiiskan waxa uu yidhi, “Dabcan waxa ay leedahay iyo hadalka ka soo baxay xukuumadda Federaalku nama khuseeyo annaga. Xukuumadda Somaliland, waa dawlad 28 sannadood madaxbannaanayd, taladeeda gacanta ku haysata, oo dimuqraaddiyad ku dhaqanta”

Isaga oo ka hadlaya sharciyadda heshiiskan ay shirkaddiisu la gashay DP World waxa uu intaas ku sii daray, “Mashruucayagan waxaa ogolaaday baarlamaanka Somaliland” Dhinaca kalana waxa uu maareeyaha DP World sheegay in aanay dawladda Federaalka Soomaaliya waxba yeeli karin heshiiskan, waxa aanu yidhi, “Xukuumadda Federaalka ahina wax awood ah uma laha in ay wax ka beddesho runta jirta. Keliya waxa ay haysaa waa hadalo, annaguna ma aamusiin karno”

Bin Saliim oo sii wada hadalkiisa ayaa mar uu ka hadlayey sida uu xaalku noqonayo, hadalkaas dawladda Soomaaliya ka soo yeedhay kaddib, waxaa uu yidhi, “Annagu waa aanu sii wadaynaa hawshan, waana aanu ku taagnaanaynaa fulinta mashruucan. Sidaas oo kalana waa ay sii wadayaan, dhinacyada aanu mashruuca shuraakada ku nahay ee xukuumadda Somailand iyo Itoobiya”

Maareeyaha Dp World oo mar kale ka hadlayey khilaafkii shirkadda iyo dawladda Jabbuuti ayaa yidhi, “Go’aanku waxa uu ka soo baxayaa maxkamadda dacwaddayada qaadaysa, waana isla maxkamaddii ay iyagu hore nooga ashkateeyeen. Dabcan go’aan baa ka soo bixi doona maxkamadda, waxa aanuna filaynaa in uu ka soo baxayo xukun dhankayaga u dhacaya”

Bin Saliim oo sheegay in uu filayo in go’aanka maxkamaddu uu dhaawac ku noqon doono dawladda Jabbuuti ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Dabcan ugu dambaynta, fulinta go’aankaas maxkamadda waxaa ka dhalanaya ganaaxyo iyo magdhow isugu jira mid dhinaca mooraalka ah, sida in magdhow lanaga siiyo meel-ka-dhaca la nagula kacay. Runtii waxa ay ku kaceen ma’aha in ay laaleen heshiiskii, laakiin waa in ay xoog ku qabsadeen deked aanu qayb ka mid ah leenahay”

Ugu dambayntii Bin Saliim waxa uu ka hadlay khasaaraha shirkaddiisa ka soo gaadhi kara tallaabada ay dawladda Jabbuuti qaadday iyo cidda uu u arko in uu khasaaraha ugu weyni ka soo gaadhi doono, “Runtii arrintani waxa ay dhaawac weyn ku tahay jabbuuti, waxa ay dhaawac ku tahay dawladaha Afrika. .. “Annaga maaliyad ahaan dhibaato weyn naguma ay keenin. Waxa aan u jeedaa in dakhliga dekeddani aanu macno badan lahayn. Laakiin waxa aan aaminsanahay in guud ahaanba Afrika ay dhibaato ka soo gaadhi doonto, falka ay ku kacday jabbuuti. Waayo waxa uu khatar ku yahay maalgashiga”

Warka maareeyaha ayaa soo baxay maalin kaddib markii uu raysalwasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya uu sheegay in dawladdiisu sharci darro u aragto heshiiskan oo uu sheegay in ay ahayd in dawladdiisa la soo mariyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here