Cirro Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Faahfaahinta Heshiiska Saddex Geesoodka Ah Ee Berbera

0
873

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa heshiiska Somaliland kula jirto Imaaraadka ku tilmaamay mid madmadaw badan uu ku gadaaman yahay.

Waxa uu Guddoomiye Cirro sheegay in loo baahan yahay in baarlamaanka iyo shacbiga la horkeeno heshiisyada  Imaaraadku uu la galay Somaliland si ay u noqon karaan wax la aamini karo, sida oo kale waxa uu dastuur jabin ku tilmaamay xildhibaanada golaha deegaanka ee Oodweyne ee mudada bisha ku dhaw ku xidhan Hargeysa.

Cabdiraxmaan Cirro oo xafiiska guud ee xisbiga Waddani ka hadlaayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Xukuumada Somaliland waxaan u sheegaynaa inay u igmantahay iyada oo shacbiga Somaliland ka wakiil ah inay heshiis ama heshiisyo la gasho dalal shisheeye, awoodaasna waxa siiyay dastuurka iyo xeerarka Somaliland, xisbiga Waddani hore uma taageerin haddana ku taageeri maayo xukuumada Somaliland heshiisyo aanay u marin dariiq haboon oo daah furan oo muqdi iyo madmadaw toona aanu ku jirin, heshiisyada ay dawladii kala danbeeyay ee Kulmiye la galeen dalka aynu jaarka nahay ee aynu saaxibkana nahay ee Imaaraadka, waxa ka muuqda madmadaw faro badan iyo mugdi, iyada oo shacbiga aan si dhab ah loogu soo bandhigin heshiisyadaas, waxa ka marag kacaaya mad-madawgaas in la sameeyay shirkada maalgashiga Somaliland oo sharciga samayskeedu aanu waafaqsanayn shuruucda Somaliland.”

Cirro oo sii hadlayaa waxa uu yidhi”Heshiiskii hore ee aan rasmi ahayn ee golaha wakiiladu uu ansixiyay iyo heshiiskan cusubi waa uu is burinayaa, heshiiskaas hore laba dhinac ayuu ahaa Somaliland iyo Dp World, heshiiskaas qaybta saamilayda qodobkiisa 15-naad waxa uu sheegayaa in aanu labada dhinac midkoodna iibin karin saamigiisa shanta sanadood ee u horeeya, labada dhinacba heshiiskaas way jabiyeen, heshiiska hore waxay Somaliland lahayd 35% Dp World-na 65%, Somaliland may cadayn sababta ay 5 % u bixisay iyo waxay ku badalatay, waxaanu u soo jeedinaynaa xukuumada in heshiisyadaas ay la gashay shirkadaha ama dalalka kale in baalamaankana la keeno shacbigana loo soo bandhigo si looga saaro mugdiga, kalsoonisa shacbigana ay heshiisyadaasi u helaan.”

Waxa uu guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro madaxweynaha u soo jeediyay inuu ka hadlo sababta fashilisay biyo balaadhintii caasimada iyada oo shacbiga Hargeysa ay biyaha sugayeen in leeg intii ictiraafka la sugaayay.

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cirro uu ka hadlay xildhibaanada golaha deegaanka Oodweyne ee xidhan”Xildhibaano ayaa xidhan iyada oo aan loogu iman iyaga oo danbi ku jira ama iyada oo aanay golaha deegaanka ee uu ka tirsan yahay aanay xasaanada ka qaadin, labadaas xaaladood midna ma dhicin, xildhibaanadaasi waxay xidhan yihiin muddo ka badan bil, waxay u xidhan yihiin nin shacbi ah oo ganacsade ah, mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo aan shalay arkay waxa uu igu yidhi wasaarada daakhiligi waxay igu tidhi warqad ayaanu u qornay xeer ilaalinta, aanu leenahay hala soo daayo xildhibaanada, waxa uu nagu yidhi waxa soo diiday xeer ilaalinta oo tidhi idinka idiima xidhna ee shirkad ayay u xidhan yihiin, miyaanay layaab ahayn xildhibaan xasaanad leh nin shacab ah inuu u xidhnaado bil, taasi waxay meesha ka saaraysaa inaynu noqono dad sharciga ku dhaqma, taasi waxay naaqusinaysaa nidaamkeena dawladnimo cidina xasaanad yeelan mayso, hadaan qofka xasaanada leh aan la siin xasaanadiisa oo madaxweynaha ayaa inuugu sareeya ee aynaan ku ixtiraamin xasaanadiisa, ka golaha ku jira aan la siin xasaanadiisa, waad ka warhayseen oo Kulmiye waa uu iska yaqaanaa xasaanad ka qaadka, ugu yaraan laba jeer ayaa xildhibaanka ka tirsan golaha wakiilada oo waliba ka tirsan xisbiga Waddani la xidhxidhay iyada oo dastuurka iyo qawaaniinta ka soo horjeeda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here