Maalqabeeno Dunida Maanta Caan Ka Ah Oo Bilowgii Noloshooda Ahaa Budhcadda Internet Ka (3

0
637

Picture10Washington (Geeska)- Waa qaybtii Saddexad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika, si kooban ugu soo bandhigayey, qaar ka mid ah maalqabeenka dunida maanta caanka ka ah iyo qaabkii foosha xumaa ee ay noloshoodu ku soo bilaabatay:

5. Sean Parker: Waa maalqabeen u dhashay Maraykanka oo dhashay sannadkii 1970kii, waa maal-gashade dhinaca barnaamijyada kombiyuutarka ah iyo injineerka sameeyey adeegga fayl-wadaagista kombiyuutarka  ee  Napster (File-sharing). Sean waxa uu mar ahaan jiray madaxweynaha koowaad ee shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa aas-aaska  Plaxo, Causes iyo Airtime oo dhammaantoood guulaystay, lacag aad u bandanna uu ka helay. Parker sannadkan 2014ka lacagta uu haysto waxaa lagu qiyaasay 6.3 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Sida aynu hore u soo aragnay Sean Parker waxa uu ahaa mid ka mid ah labada nine e aas-aasay ururka budhcadda internet ka caanka ku ahaa ee w00w00. Laakiin waxa uu ku doodaa in intii uu hawshaas budhcadnimada ah ku jiray aanu mar keliya jabsan kombiyuutar muhiim ah. Si kastaba ha ahaato ee, warbaahinta ayaa fashilisay in 16 jirkiisii uu jabsaday baro internet ka ah oo xasaasiy, taas oo keentay in aabihii markii uu ogaaday uu ciqaab uga dhigay in uu ka mamnuucayba isticmaalka guud ahaanba Kombiyuutarka. Laakiin taasi waxba kama ay tarin kooxdii budhcadda ahayd ee uu aas-aasay, oo iyagu sii waday jabsashadii kombiyuutarrada.

6. Jack Dorsey: Waa ganacsade Maraykan ah oo ka shaqeeya dhismaha websites ka, waxaa aad loogu garan og yahay in uu ka mid yahay afarta nine e aas-aasay bar-kulanka bulshada ee Twitter oo dunida oo dhan can ka ah. Sidoo kale waxa uu aas-aasay  isla markaana agaasimaha fulinta ka yahay shirkadda Square oo ka shaqaysa lacag bixinta wareegta.  Sannadkii 2008dii waxaa loo aqoonsaday in uu ka mid yahay 35 qof ee da’doodu 35 jirka ka yar tahay ee dunida oo dhan ugu horreeya curinta iyo horumarinta la xidhiidha Tiknoolajiyadda.

Jack Dorsey oo maanta maalka uu haysto lagu qiyaaso 2.2 Bilyan oo dPicture11oolarka Maraykanak ah ayaa markii uu ka shaqaynayey shirkadda Dispatch Management Services, waxa uu doonay in lagu buuxiyo shaqo dallacsiin ah, laakiin nasiib darro waxa uu waayey macluumaad la xidhiidha waajibaadka shaqo iyo xilalka shaqooyinka rasmiga ah ee shirkaddu leeyihiin, sidaa awgeed waxa uu jabsaday e-mail ka mid kam id ah shaqaalaha sare ee shirkadda, kadib farrini ayaa uu e-mailkii uu jabsaday uga dhex diray agaasimaha shirkadda, kaas oo isna markiiba xilkii u magacaabay.

7. Shark Drew Housten: Waa maalqabeen u dhashay dalka Maraykanka oo maalgashada internet ka, waxa aanu soo shaac baxay, markii uu aasaasay isla markaana agaasime ka noqday barnaamijka Dropbox oo ah adeeg internet ka ah oo wax lagu kaydsado. Drew Housten oo dhashay sannadkii 1983kii waxbarashadiisa digriiiga koowaad waxa ay ahayd cilmiga Kombiyuutarka (Computer Science), waxa aanu maanta haystaa lacag lagu qiyaasay 1.2 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Houston waxa kale oo uu aas-aasay ama aasaaskooda wax ku lahaa shirkado badan oo dhinaca tiknoolajiyadda ah oo yaryar, waqti aad u badan ayaa uu ku shaqaynayey samaynta barnaamijyada kombiyuutarka, iyo in uu cillad saaro mushkiladaha ku yimaadda ciyaaraha kombiyuutarka (Games), ka hor intii aanu Dropbox samayna waxa uu ku fashilmay adeegyo kale oo la mid ahaa oo uu isku dayey. Dhammaad.