Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya Oo Si Weyn Looga Xusay Caasimadda Hargeysa

0
555

Hargeysa (Geeska)-Xuska 10aad ee maalinta qoomiyadaha Dalka Itoobiya oo shalay ku beegnayd ayaa si weyn looga xusay Somaliland gaar ahaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

00abb1Munaasibadan xuska 10aad ee qoomiyadaha Itoobiya oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Maansoor Hotel, waxaana Munaasibadan ka soo qayb gashay masuuliyiinta safaaradda Itoobiya ee Hargeysa,  Wasiiro ka socda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, Guddoomiyaha Xisbigia Kulmiye ahna murashaxa xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed,Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan, Jaaliyada Itoobiya ee dalka ku sugan, Madax dhaqameed, Aqoonyahano, Haween iyo Dhalinyaro.

Munaasibadaasna waxa ugu horeyn ka hadlay Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Brigader General Barahe Tesfaye , waxaanu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay xuska qoomiyadaha Itoobiya, waxaanu sidoo kale  uu sheegay in xidhiidh soo jireen ah oo aad u qoto dheer in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo, waxaanu sheegay inuu xidhiidhkaasi uu sii jiri doono, isla markaana uu sii adkaan doono.

Wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI Khadar Cabdi Ismaaciil oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf wayn u tahay isaga iyo waftiga uu hogaaminayo in ay jaaliyada Somaliland ku sugan  kala soo qayb-galaan munaasabadan 10aad ee xuska 29ka hidaar.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa  hambaliyo, mahadnaq iyo bogaadin u diray guud ahaan Qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya, waxaanu xusay in Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, wax badana ka dhexeeyaan,waxa kale oo wax weyn uu ku tilmaamay in guud ahaan qoomiyadaha Itoobiya  Itoobiya la mideeyo, waxaanu ku amaanay dadaalkaas iyo midayntaas Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, waxaanu xusay inay Itoobiya gaadhay horumar aad u balaadhan.  Dhanka kale waxa munaasibadaas lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedka dalka Itoobiya.