Hargeysa (Geeska)- “Nin iyo afadii colna ma’aha nabadna ma’aha” waa hal-ku-dheg Soomaaliyeed oo muddo hore baxay, waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay si korka xaadis ah u dhadhamiyaan ereyadan oo ay u qaataan uun in ay yihiin kuwo ragga iyo dumarka sii kala fogeynaya, ama ka turjumaya xilli lammaanaha ay xurguf joogto ahi u dhaxayn jirtay. Waa dood jirta, mawduucanina sidiisa ayaa uu dood furan u yahay, oo ninba aragtidiisa meel la maraa. Laakiin midhka kale ee aan la diidi karin waa in lammaanaha si qabaa maadaama oo ay noloshooda oo dhan wada leeyihiin, ay qasab tahay in la is-qabanayo, la is fahmi waayayo, lakala cadhoonayo, haddana waxaas oo dhami aanay qoyska burburin inta badan.
Hal-ku-dheggaasi sax iyo qalad mid uu yahayba, waxa aad mooddaa in uu ku habboon yahay qisadan uu maanta Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagaya oo ka hadlaysa nin iyo afadiisa oo ku jiray xaaladdaas colaadda iyo nabadda u dhaxaysa, kadibna afada oo wax tirsanaysay ay doontay in ay ka aargoosato.
Baabuur u watay ayuu ku kaxeeyay xawaare aad u sareeya, waxaana la socotay xaaskiisii. Ninkan iyo xaaskiisa waxa dhex maray buuq iyo dagaal, markii uu cabbaar socday ay gabadhu ku soo gebogebaysay in ay xidhi doonto, si ay u tusto awooddeeda. Laakiin ninkii hanjabaaddaasi waxa ay ula muuqatay macno darro iyo wax aanay samayn karayn.
Si kedis ah ayuu u arkay Askari (Taraafi) ku dhow oo joojinaya. Ninkii wuu istaagay kadib askarigii inta uu ku soo dhowaaday ayuu ku yidhi, “Maxaa dhacay ee aad sidan ugu socotaa, waddada xawaaraha ugu sareeya ee laga ogolyahay waa Siddeetan Kilo Mitir saacaddii (80 Km/H) adna waxa aad ku socotay Boqol iyo Siddeetan Saacaddii (180 Km/h), waxa aan kuu jarayaa ganaax. Ninkii baabuurka waday ayaa yidhi, “Laakiin 60 ayaan in yar dhaafay oo uma xitaa 80 uma dhoweyn” Xaaskiisan la socotay ayaa inta ay soo booday tidhi, “Maya.. Maya.. waxa aad ku socotay ugu yaraan Boqol iyo Siddeetan Kilomitir Saacaddii” ninkii inta uu indho cadho leh ku eegay xaaskiisii ayuu iska aamusay.
Kadibna askarigii ayaa mar labaad yidhi, “Qaladkaaga Labaad ee aan kugu ganaaxayaa waa laydhka dambe ee gaadhigaaga oo aan baxayn” Ninkii ayaa iska dhigay mid naxsan, markaasuu yidhi, “Askari maba aan ogayn, laydh xun ee maxaa uu ahaa” Laakiin xaaskiisii ayaa soo booday oo iyada oo iska dhigaysa daacad tidhi, “Ah..! Aheey Ah… immisa ayaan ku lahaa innaga hagaaji laydhka dambe. Laba toddobaad ayaa aan kaa daba qaylinayaa, bal, waa taas ee imika eeg, badda aad ina gelisay” Ninkii oo ka xanaaqsan warkan xaaskiisa oo taraafiguna maqlayo ayaa si cadho leh mar labaad indhaha ugu gubay xaaskiisii, laakiin erey kuma uu odhan.
Askarigii ayaa mar kale eegay ninkii, markaasuu yidhi, “Mar kale waxa aan kugu ganaaxayaa beelka gaadhiga oo aanad xidhnayn, adiga oo weliba gaadhiga xawaarahaas sare ku waday”
Ninkii ayaa ayaa damcay in uu been sheego, markaasuu askarigii ku yidhi, “Waan xidhnaa beelka ee markii aan istaagayey ayaa aan iska furay” xaaskiisii hareer fadhiday ayaa inta ay soo boodday tidhi, “Immisa ayaa aan kugu taag la’aa marka aad baabuurka waddo xidho Beelka.. maanta oo qudha intii aynu soo soconay ayaan toban jeer kugu cel-celiyey xidho beelka, waa taa imika hadalka iyo xannibaadda innagu keentay”
Ninkii oo cadho bes ah ayaa inta uu ku jeestay xaaskiisii si dagaal leh ugu yidhi, “ Miyaannaan ku odhan marka aanu qof la hadlayno hanaga garab hadlin ee aamus, Hus.. baan ku idhi, oo yaannaan erey dambe kaa maqlin”
Askarigii ayaa inta uu gabadhii ku jeestay ku yidhi, “Mar kasta ma sidaas qallafsan ayaa uu kugu qayliyaa ninkani?” Gabadhii ayaa ugu jawaabtay, “Maya.. Maya.. Waa marka uu sakhraansan yahay oo keli ah” Askarigii ayaa soo booday Sakhraansan yahay aa..?! inta uu ninkii soo dejiyay ayaanu xidhay isla markaasna ganaaxay. Ninkii oo qaylinaya oo leh, Ha rumarysan.. Ha rumaysan.