“Ma Wado Odhanayo Somaliland La Wada Leeyahay, Oo Waan Eeday”

0
1069

Hargeysa(Geeska)- Prof.Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu eeday kalmada Somaliland la wada leeyahay iyo fagaarayaasha doodaha ee uu hadalada ka jeediyo.

Prof.Cali Khaliif Galaydh ayaa amaanay in loo baahan yahay Somaliland in dadkeedu si adag ay u xisaabtamaan, waxaanu carabka ku adkeeyay in aan lagu cunsuriyadayn qofka Somaliland u dhashay marka uu si adag dood xisaabeed miiska u keeno, waxa uu  sidan ka  sheegay fagaare lagaga doodayay waxii u qabsoomay Somaliland mudadii ay jirtay kaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka SOMALILAND INTELLECTUAL FORUM, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa   “ Waar bahashan yaan la moodin qofku hadduu dhulkana u dhashay kuna da’daalayo daacadna ka yahay is qiimayn adag in lagu  cunsuriyadeeyo oo lagu dhaleeceeyo oo tuke baal cad laga dhigo, aniga iyo Axmed Ismaacil Samatar waa inaga maqan yahay ee laakiin waa dhawayd tabliiq siyaasigii aan meelahan ka bilownay, hadda ogaada waa arin xiisa leh dad badan oo xasaasiyad ka qabayna waa ay jiraan laakiin waxay Somalilad u soo hooysay inay tahay siyaasad ahaan qaangaadh, oo hoggaan  qaangaadh ah ay leeyihiin hadayba soo dhawaynayaan oo si urursan ay qiimayntaas adag loo samayn karo, hadda sida aad adigu isku taqaan maaha ee Somalilandneey waa sida laguu yaqaan,Somalilandneey  taas ogaada waa laynoogu sad kordhinayaa haddii dimuqraadiyada aynaan ku laafiyoonayn, laakiin wax yaalo loo baahan yahay oo aan laga tagi karayn ayaa jira oo doodan iyo fooramka halkan laga hayaa ay ka mid tahay, waxaan hadalkayga ku soo koobayaa, aniga iyo waxaan halkan u joogo kama hadlaayo oo in inagu filan warkaygana meelahaas waad ka maqasheen dad badan oo aan tilifishanada iska baranayna waa ay jiraan.”                                                                                Prof.Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“  anigu waxaan daacad ka ahay oo aanan cidna u cadaynayn reer Somaliland ayaan ahay laakiin reer Somaliland isku wada sumado ma nihin, isku taariikh ma nihin laakiin yoolka aynu wada leenahay kaas ayaa inaga dhaxeeya cidna lagama sheegan karo, warkii laygu canbaaraynaayay ma wada odhanaayo Somaliland la wada leeyahay waanba eedaye , taas iyada ka hadliba maayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here