Ma Taqaannaa Xeerka 50/50 Ee Kuu Suurtageliinaya In Aad Xasuusato Boqolkiiba 90 Waxaad Qaybayso

0
637

Hore ma kuu soo martay in aad buug akhriday, oo markii aad dhammaysay aad dareentay sida in aanad weligaa akhriyin? Ma u diyaar garoobaysaa imtixaan adag oo xusuustu muhiim u tahay? Haddii aad su’aalahan ‘Haa’ kaga jawaabi lahayd. Waxa aan kuu hayaa xal fudud, oo keliya ay kaa xigaan warqad, qalin qori iyo waqti yar oo aad u hurto.

Qoraaga Enrique Zamorano ayaa warbixin uu daabacay wargeyska ‘El Confidencial’ ee dalka Spain ka soo baxa, waxa uu ku sheegay in shay keliya oo lagu celceliyaa ay tahay mid ka mid ah hababka ay dugsiyadu u maraan baraarujinta maskaxda ardayga iyo dhugmadiisa. Waxa aanu sheegay in ay tahay xeelad iyo hab aan la dhayalsan Karin.

Qoraagu waxa uu sheegay in waxbarashadu ay ku xidhan tahay laba arrin oo keliya; waa ku celcelinta waxa la baranayo iyo in waxa la baranayaa uu xidhiidh la leeyahay aqoonta guud ee aynu hore u kasbannay. Waxaa intaas dheer in fahmiddu aanay macno lahayn, haddii aanay inoo suurtagalayn in aynu macnaha shaygaas ka dhex aragno waxyaabaha kale ee aynu ka fahmayno. Marka aynu si fudud u eegno ujeedada kama damabaysta ah ee waxbarashada waa in waxa aynu barannayu aynu si fudud ugu dhiqi karno / dabbaqi karno Meesha ku habboon.

Ku celcelintu waxa ay adkaysaa xogta

Thomas Oppong oo ka mid ah maskaxaha ifaya ee waqtigan caanka ku ah hal abuurkiisa caawiya horumarinta nafta ayaa mar uu xusuusta macluumaadka ka hadlayey waxa uu sheegay in qofka doonaya in uu xog ama cilmi uu helay xsuustiisa ku xardho, isla markaana aanu illaawin in ay ku filan tahay keliya in uu marar badan ku celceliyo xogtaas inta ay maskaxda degeyso. Waxa uu ku taliyey in qofku waqti ku filin geliyo ka fikirka waxa uu doonayo in uu xasuustiisa dego.

Xeerka 50/50 waxa uu ka mid yahay xeeladaha ugu waxtarka badan ee xoojiya in wax la xasuusto. 50/50 macnaha ay u taagan tahay waa in waqtiga aad doonayso in aad wax akhrido ama qaybto in waqtigaas kala badhkii aad geliso barashada xogta, rogrogisteeda iyo falanqaynteeda, qaybisteeda iyo naqtiinkeeda, kala badhka kalana aad geliso in waxa aad baratay ama akhriday aad dib u sharraxdo sida macallinka. Tusaale ahaan Oppong waxa uu leeyahay, ‘In aad akhriska buugga hal mar is wada raaciso, waxaa ka fiican in aad qayb akhrido, kaddibna inta aanad qaybta labaad u gudbin aad isku daydo in aad dib u xasuusato wixii aad qaybtii hore ku soo akhriday, sida ugu fiicanina waa in afkaarta aasaaska u ah qaybtaas hore in aad la wadaagto ama uga sheekayso cid kale, haddii kale in aad qaadato warqad iyo qalin oo aad qorto qodobbada iyo afkaarta ugu muhiimsan ee qaad qaybtaas ku baratay ama ku aragtay. La soco…