Ma Run Baa Inuu Is Casilay Xubintii Xisbiga Ucid Ugu Jirtay Guddiga Doorashooyinka Qaranka?

0
468

Picture9Hargeysa(Geeska)-Xubintii xisbiga UCID ugu jirtay guddiga doorashooyinka Qaranka Md. Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa la sheegay inuu iska casilay xubinimadii guddiga doorashooyinka qaranka.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Cabdifataax ku xaqiijiyay iscasilaadiisa, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya inuu shalay xilkaas iska casilay, waxaanay wararku sheegayaan inuu istiqaaladiisa u gudbiyay xisbiga uu ka soo jeedo ee UCID. Lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay is casilaada xubintan oo aanay noo suurtogelin inaanu wax ka weydiino jiritaanka warkan.