Ma Dhabaa Inuu Xanuun U Jiifo Madaxweynaha Somaliya?

0
440

xasan skh

Muqdisho(Geeska)-Warar aan la xaqiijin oo isla dhex marayo xayndaabyada diblomaasiyiinta daneeya arrimaha wadanka Somaliya, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh uu xanuun u jiifo.

Wararkani waxay tilmaamayaan in shakiga laga qabo xanuunka  Madaxweyne Xasan Sheekh ay sii xoojinayaan muuqiisa oo aan muddo lagu arag warbaahinta, waxaana Xasan Sheekh oo la arko u dambaysay maalmihii uu Madaxweynaha Djibouti ku soo dhaweeyay Somaliya, wakhtigaas oo laga joogo laba toddobaad.

Dadka reer Muqdisho ayaa iyaguna sheekadan ku saabsan caafimaadka Madaxweynaha Somaliya aad isula dhex maraya, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa bil ka hor baadhis caafimaad u tagay wadanka Jarmalka oo uu maalmo joogay, isagoo wakhtigaas sheegay inuu u tagay oo keliya baadhis iyo hubinta caafimaadkiisa oo keliya, mar haddii uu hayo shaqo culus. Waxase markaaba jiray warar sheegaya in madaxweyne Xasan uu qabo xanuun dhinaca wadnaha ah oo muddo hayey, muddooyinkan dambana ku sii kordhay.