Ma Dhabaa In Siyaasiga Fuaad Aaden Cadde Uu Ka Daba Tagayo Xaabsade?

0
767

Picture4Hargeysa(Geeska)-Ka dib markii uu la taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha doorashooyinka Md. Axmed Cabdi Xaabsade, si rasmi ah ugu wareegay dhinaca maamul goboleedka Puntland, ayaa waxa soo baxay war labaad oo sheegaya Md. Fu’aad Aaden Cadde uu isaguna jidkaas hayo oo uu wada hadal u socdo maamulka Puntland.

Warkan Fu’aad Aaden Cadde, oo ay qaar warbaahinta ka mid ahi shalay baahisay, ayaa haddii uu dhaboobo wuxuu noqonayaa la taliyihii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo ee u wareega dhinaca maamul goboleeedka Puntland. Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay wuxuu la xidhiidhay Fuaad Aaden Cadde oo ku sugan miyiga magaalada Xudun ee gobalka Sool. Fuaad oo uu Wargeysku weydiiyay inuu xaqiijiyo amaba beeniyo wararkan ayaa ka war-wareegay ka hadalka mawduucan, waxaanu yidhi, “Laba cisho ka dib ayuu warkaygu cadaanayaa.”

Wargeysku wuxuu isku dayay inuu Fu’aad weydiiyo bal inuu xaqiijiyo inay wada hadalo u socdaan maamulka Puntland, laakiin iyana wuu ka war-wareegay inuu xaqiijiyo amaba beeniyo. Fuaad Aaden Cadde oo looga bartay nin hadal cad oo aan la gaban mawqifkiisa, ayaa wuxuu Wargeyska Geeska Afrika si kooban ugu sheegay inaanu xalay hadalkiisu cadayn.

Si kastaba ha ahaate, haddii uu Fuaad Aaden Cadde kaga dhabeeyo hadal haynta ah inuu u waregayo maamulka Puntland, wuxuu Somaliland ku noqon doonaan waqcad siyaasadeed oo soo waajahday qaranka, waxaanay labadan siyaasi ee iska daba tagayaa dhaawac u gaysan doonaan hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

Fuaad iyo Xaabsade ayaa dhawr goor si cad u muujiyay inaan laga tallo gelin arrimaha gobalada Sool iyo Buuhoodle, waxaanay in badan soo jeediyeen inaan la dhayalsan ee talada laga qayb geliyo.