Ma Dhabaa In Shirweynihii KULMIYE Dib Loo Dhigayo?

0
707

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu qorshihiisu ahaa inuu furmo bisha dambe ee March, ayaa laga fikirayaa sidii dib loogu dhigi lahaa muddo sannad ah.

Shirweynahan, ayaa waxa dib u dhigistiisa sababaya loolan u dhexeeya guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo uu loolankoodu saamayn ku yeeshay madaxtooyada Somaliland, waxaanay wararku sheegayaan in soo jeedinta dib u dhigista shirku ay ka timid Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Guddoomiyaha golaha dhexe Md. Jaamac Ismaaciil (Shabeel), oo uu Geeska Afrika xalay isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka warkan, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxaanu sheegay inay dhawaan warbaahinta la hadli doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la qorshaynayo sidii loogu yeedhi lahaa xubnaha golaha dhexe, si looga ansixiyo in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha xisbiga, waxa kale oo isna jira fikir kale oo sheegaya in dhawr bilood dib loo dhigi doono.

Si kastaba ha ahaate, loolanka xisbiga KULMIYE ka dhex jira, oo aan weli xal loo helin ayaa sabab u noqonaya in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga, oo uu qorshihiisu ahaa inuu bisha dambe ee sannadkan qabsoomo.