Boqorada Holland Oo Baahisay In Hadraawi Lagu Maamuusi Doono Bilad-Sharaf

0
670

 

hadHargeysa (Geeska)- Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa ku guulaystay abaalmarinta  Prince Claus Awards, oo sannad walba lagu bixiyo dalka Netherland, sida guddida qabanqaabadu sheegtay.

 

Warkan oo lagu baahiyey mareegta wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in 11 abaalmarinood sannad walba la siiyo shaqsiyaadka, ururada, khubarada loo aqoonsado in shaqadoodu saamayn balaadhan ku yeelato horumarka bulshadooda.

Warkaa ayaa lagu sheegay in Maxamed Ibraahim Hadraaw oo sannadkan lagu daray shaqsiyaadka la gudoonsiinayo  abaalmarintan ku mutaystay hal-abuurkiisa maansooyin iyo gabayo saamayn taban ku yeeshay taariikhda Soomaalida, iyo ku suntanaanta noloshiisa waxtarka bulshada.

Hadraawi, oo 1943 ku dhashay Burco, ayaa  xabsi shan sannadood ka dib sannadkii 1970 bilaabay maansadii Deelley, oo gabyaa badan oo Soomaali ahi qeyb ka qaateen.