Loolan Salka Ku Haya Hanashada Kalsoonida Bariga Burco Oo Ka Dhex Istaadhan Xirsi Iyo Wasiirada Awooda Badan Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
549

Hargeysa(Geeska)-Wixii ka dambeeyay markii Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan uu xisbiga Waddani u magacaabay hoggaamiyaha xisbigaas, waxa bilaabmay loolan adag oo siyaasadeed oo u dhexeeya wasiirada beesha bariga Burco ugu jira xukuumadda oo isku dhinac ah iyo  hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanu loolankani geesta kale u dhexeeyaa labada xisbi ee KULMIYE iyo Waddani.

1

Loolankan oo gundhigiisu yahay hanashada kalsoonida beesha Bariga Burco, waxa dhaqdhaqaaqiisa laga dareemayaa magaalada Hargeysa iyo weliba magaalada Burco iyo magaalooyin kale oo ku teedsan gobalka Togdheer.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa Isniintii toddobaadkan magaalada Hargeysa ku qabtay kulan sagootin ah oo loo sameeyay ergadii beesha bariga Burco u metalaysay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani, waxaana kulankaas kala qayb galay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxaanu kulankaasi abuuray in wasiirada beesha bariga Burco xukuumadda ugu jiraa dib ugu noqdaan siyaasadoodii ku waajahnayd beesha ay ka soo jeedaan, si ay waajahaan Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo kooxaha garab taagan ee siyaasadiisa taageersan.

Waxaana wasiiradan oo ka jawaabaya kulankaas Xirsi Cali Xaaji Xasan uu qabtay ay iyaguna habeen hore magaalaada Hargeysa ku qabteen kulan labaad oo ay wasiirada ku weheliyeen dad kale oo gaadhaya ilaa 80 ruux oo ka mid ah taageerayaasha wasiiradan iyo xisbiga kulmiye, waxaana kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen la sheegay in lagaga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa in hoggaamiyaha xisbiga Waddani saamayn ku yeesho taageeradii ay bulshada bariga Burco la garab taagnaan jireen xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale waxa kulanka wasiiradu qabteen lagu go’aansaday laba qodob oo ka soo bixi doona shir dhawaan ay wasiiradani beeshooda ugu qaban doonaan magaalada Burco.

Waxa isna intaas raaca kulan dadweyne oo ka dhacay degmada Qoryaale ee gobalka Togdheer, halkaas oo munaasibad loogu qabtay taageerayaal sheegay inay ka tirsanaayeen xisbiga KULMIYE oo hadda u wareegay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Dadweynahaas oo ay ka dhex muuqdeen waayeelka rag iyo dumarba leh ee degmada Qoryaale, waxay sheegeen inay codka siin doonaan murashax Cirro iyo xisbigiisa Waddani, kana soo wareegeen xisbiga KULMIYE oo ay eeddo u jeediyeen.

Waxaanu kulankani sii kiciyay xaraaradda siyaasadeed ee gobalka Togdheer ee hirdanka xisbiyada KULMIYE iyo Waddani.

Waxaana suurtogal ah in baratanka labada xisbi oo ka shidaal qaadanaya wasiirada xukuumadda ku jira ee Bariga Burco iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ay mar kale toddobaadyadan isku hirdiyaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Si kastaba ha ahaate, inkastoo ay shacabka Somaliland saadaal kala duwan ka bixinayaan cidda ku guulaysan doonta loolankan, haddana waxa natiijada baratankan siyaasiyinta Bariga Burco la arki doonaa marka ay doorashada madaxtooyadu qabsoonto.