Lama Arag: Nin Abeeso Qaniintay Oo Dhiiggiisii Isu-Beddelay Tallaal Ka Hortagi Kara Khatarta Sunteeda

0
642

Picture8Baqdaad (Geeska)- Taliyaha booliiska gobolka Dii-Qaar ee dalka Ciraaq, Sarreeye-Gaas Xasan Salmaan As-Saydi ayaa dhowaan soo saaray amar ah in askari ka tirsan bilayska degmada Nejda loo beddelo rug booliis oo ku taalla cisbitaalka waxbarashada ee Al-Xuseyn, isla markaasna halkaas rasmig lagaga dhigo, kadib markii uu askarigani xiiseeyey in uu dhiiggiisa ugu tabarruco dadka ay abeesadu qaniinto, gaar ahaan nooceeda khatarta, iyada oo shaybaadho la sameeyeyna caddeeyeen in dhiigga ninkani uu ku habboon yahay in uu noqdo tallaal caafimaad badan oo dadka xamaaratadani qaniinto u fiican.

Qisadan ay baahisay shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku dartay in Askarigan lagu magacaabo Fahad Saaxib Naayif ay muddo ka hor, xilli uu hawlihiisa ciidan ku jiray ay qaniintay abeesadan oo caan ku ah sun khatar ah oo qofka ay qaniintaa dhaqso u dhinto, laakiin markii ninkan loo qaaday cisbitaal ku yaalla caasimadda Baqdaad, dhowr shaybaadh oo lagu sameeyey kadib ay dhakhaatiirtii daweynaysay ogaadeen in dhiigga ninkani uu yahay nooc dhif innagu ah oo ay suurtogal tahay in looga faa’idaysto daweynta qaniinyada abeesadan caanka ku ah saxaraha dalkaas.

Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in abeesadii ninkan bilowgii qaniintay ay iyadu isla markii ay qaniintayba dhimatay oo dadkii goob joogga ahaa ay arkeen, halka isaguna uu iska noolaaday isaga oo aan dhib badan tirsanayn, sababtaa awgeed ayaanay dadkii magaaladu ku naanaysaan ninkan Abu Xayah (Abeesada Aabaheed).

Ninkan oo doorbiday in uu cisbitaalkan joogo si uu dadka gobolkiisa ee abeesadu cunto uu dhiiggiisa ugu tallaalo si ay uga bogsadaan qaniinyada, illaa haddana waxa uu badbaadiyey 11 xaaladood, oo ah sagaal dumar ah iyo 3 nin.

Abeesadani in kasta oo ay dhumuc ahaan yar tahay, haddana khatarteedu aad ayaa ay u sarraysaa, waxa aanay caan ku tahay dhuumasho aan hore loo arkin iyo xawaare aad u badan oo  ay ku socoto, marka ay xammaaranayso, inta badanna waxa ay firfircoonaataa habeenkii oo ay qadhaabato.