Labada Xisbi Mucaarad Oo Heshiis Ku Gaadhay Sidii Doorashada Wakhtigeeda Loo Qaban Lahaa

0
515

Picture5

Hargeysa(Geeska):-Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid, ayaa heshiis wada shaqayneed ka gaadhay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaankuba ay ugu qabsoomi lahaayeen wakhtigii loogu talo galay, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay sida oo kale ay heshiis ku gaadheen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi mucaaradnimo.

Labada xisbiga mucaarad oo heshiiskan shalay ku gaadhay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa Labada dhinac kala matalaayey min Shan xubnood, kuwaasi oo halkaasi ku lafa gurey sidii ay u wada shaqayn lahaayeen.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Md:Naasir Axmed Qodax, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ku heshiiyeen Labada xisbiga mucaarad."Maanta waxa aanu halkan isagu nimi, waad la socotaan oo xaalada guud ee wadanku halka ay marayso, waxaanu ku soconaa oo aanu halkan ku wada shirnay Labadii xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid, waxa aanu halkan isagu nimina waxa weeyaan waa Laba gudi, oo Labada xisbi soo kala saareen, oo ka tashanaysa oo ka arrinsanaysa, xaalada guud ee wadanku uu maanta maraayo iyo doorashooyinka inagu oo foodka leh, waxii laga yeeli lahaa iyo siday u qabsoomi lahayd sidii looga shaqayn lahaa ayaanu ka tashanaynaa hadaanu mucaaradkii nahay, taas ayaana aanu maanta halkan isagu nimi gudidayadan Labada xisbi Mucaarad ka kala socota oo ka kala kooban xisbigiiba Shan Xubnood oo aanu maanta halkan ku lafa gureynay, waxaana aanu ku heshiinay Kow, In aanu yeelano Iskaashi mucaaradnimo oo buuxa hadaanu nahay Labada xisbi mucaarad oo aanu ka tashanay oo aanu isla waafaqnay waxii laga yeeli lahaa doorashooyinka inagu soo foodka leh, waan aanu isla waa faqnay, waxaana aad la socotaan in 26-da June ay ku eegtahay doorashadii Madaxtooyada iyo tii Baarlamaankuba, baarlamaanka waanu ognahay oo 2005-tii ayaa la doortay, Toban sano ayey hada fadhiyaan xiligaas ayeyna labadoodaba ka dhamaanaysaa waxii laga yeeli lahaa 26-d June ka bacdi iyadana in aanu ka tashano oo aanu isla arrin sano ayaanu isla af garanay oo aanu isla waafaqnay midawgaas aan maanta ku midawnayna, waxa weeyaan mid aanu iska kaashanayno sii xoojinta Labada iskaashi wada shaqayntooda iyo noolaynta ama adkaynta dimuqraadiyada, waxaanu ka soo hor jeednaa oo aanu isla waafaqnay in muddo kordhin la sameeyo oo aanu u isu kaashano sidii aan muddo kordhin loo samayn lahayn.".Ayuu yidhi Naasir Qodax.

Axmed X.Cabdilaahi Cumar(Xamarje), oo isna ku hadlaayey afka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu yidhi:"Waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanu guddoomiyahayaga aanu ku matalnaa in 26-June baarlamaan iyo madaxtooyaba aanan sharci u arag anagu, waana aanu ka wada hadal sidii aanu iskaashiga uga wada samaynaynay.".