“Horta Beel Ama Beelo Wax Qaybsanayaa Ma Jiraan, Haddii Silanyo Wax Loo Kordhinaayo Beel Wax Loo Kordhin Maayo”

0
531

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-madaw, oo ku saabsanaa in aanay ka beel ahaan marnaba ku qanci doonin muddo kordhin la’aan, waxaana uu sheegay in hadalkaas ka soo yeedhay Boqorku aanu ahayn hadal munaasib ah, isaga oo carabka ku dhuftay in aan la joogin wakhtigii loo xisaabtami jiray beelo beelaha, waxaana uu tibaaxay in haddii madaxweyne Siilaanyo wax loo kordhinaayo aanay ka dhignayn in beel wax loo kordhiyey balse ay tahay in loo kordhiyey isaga oo ah madaxweynahii qaranka Somaliland.

Md:Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey qaabka muddo kordhintu u timaado."Hadalku wax aad loo sii dha'dhan sado aniga iilama muuqato, isagu horteed tu dee boqor ahaan ama dhaqan ahaan uma haboona kuma haboona meesha, laakiin hadalka marka nuxurkiisa loo noqdo dee horta beel ama beelo wax qayb sanayaa ma jiraan, haddii Siilaanyo wax loo kordhinaayo beel wax loo kordhin maayo ee madaxweynaha qaranka ee maanta haysta ayaa loo kordhinayaa, markaasina waa wax nidaam ku yimaada ee maaha wax la'iska kordhiyo oo marka hore doorashada qabashadeeda iyo ka shaqaynteedaba waxaa ku shaqo leh waa Komishanka, oo qaranku waxaa u uu igmaday waa Komishanka, Komishanku marka uu arko in aanay qabsoomi karayn ayaa uu madaxweynaha uu u soo gudbiyaa, marka madaxweynaha loo soo gudbiyana, madaxweynahu guurtida ayuu u keena oo ha la ii kordhiyo ma yidhaahdee, waxaa uu yidhaahda sida uu Komishanku soo qoray doorasho qabsoomi kari maysee golaha guurtidu waajibkiisa distooriga ah ha ka qaato, oo sidaas ayaa uu horta madaxweynahuna wax u soo gudbiyaa anaguna markaas ayaanu eegnaa duruufta jirta iyo waxa sabab laga soo dhigay iyo sida ay wax u soconayaan oo dee rag wax iska kordhiya ma nihin, wakhtiga wax la kordhin karaana waa marka ay bil qudhi ka hadhay ee mudada kale oo dhami ay dhamaato oo ah sida distoorku uu dhigaayo, anigu dee marka boqorku meesha uu wax ka arkaayo anigu maan fahmin."Ayuu yidhi Axmed Muuse Obsiiye(Gacan).

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Adeer horta Madaxweynaha iyo beesha toona cid tidhi Shan Sano ma dhaafi kartaan oo shuruuda la gashay ma jirto, waxana beel loo xisaab tami maayee dawladnimo, wakhti iyo sharci la raacayo ayaa laga xisaabtamayaa, markaa haddii wax loo kordhiyana waa madaxweyne qaran, waana murashax oo isaga ayaa ku dhawaaqay oo murashax ayaan ahay ayaa uu yidhi, kalsoonida uu maanta haystaana maanta mid laga war waro aniga iilama muuqato, waxa ay ila tahay in aanu maanta meel beel ka war warto iyo meel isagu uu ka war waro in aanu taagnayn madaxweynahu. Waxaa ay hadaba tahay madaxweynahu waxaa uu yidhi murashax ayaan ahay maalin la iigu kordhin maayo oo dee wakhtigeedii ayey ku dhacaysaa, cida wax laga sugaayana dee madaxweynaha ayaa kow ka ah oo dee qaranka oo dhan hogaaminaaya, markaa war aynaan haynin ayaad mooda in uu inoo sheegay Boqorku, oo dee anagu beel ahaan kuma qanacsanin ayaa uu yidhi, beelana maanta xisaabtamayaan meesha ma joogaan. Marka dee ma waxa aynu leedahay sideen isaga tagaynaa boqor dee ma ta beesha anaga madaxweynahu waxaa uu na yidhi wakhtigeedii ayaan ku qabanaynaa, wakhti walbana waa uu ku dhawaaqa adna waxaad leedahay beeshu kuma qanacsana iyama ayaa run ayaan isaga leenahay?.oo Labada ta runta ahi dee waa tee, ta labaad waxa meesha yaala, cid madaxweynaha wakhti u qortay oo tidhi shan sanadood ma dhaafaysid ma jirto dee adeer, waxa wax lagu kordhiyaana waa duruufo iyo wakhti manaynaan gaadhin, malaha aniga waxaa ay ila tahay dee waxa uu ku dhawaaqay waa wax uu beel ahaan iyo dhaqan ahaan uun ka maqlay in ay ila tahay oo wax aad u sii wayn uma arko.".

Xildhibaan Axmed Gacan, waxaa kale oo uu sheegay in aanay ahayn in la simo wakhtiyadii  hore ee ay talada dalka soo hogaaminayeen madaxweynayaashii ka horeeyey Madaxweyne Siilaayo iyo hada, waxaana uu carabka ku dhuftay in wakhtigan la jooga uu ka barwaaqo iyo nabad badan yahay xiliyadii ay talada dalka soo hayeen madaxweynayaashii ka horeeyey, isaga oo sida oo kalena ka sheekeeyey qaabkii wakhtiyadaasi muddo kordhinta madaxweynayaashaasi ay ku iman jirtay.

"Waxaa kale oo uu yidhi horta dee Tuur waa loo kordhiyey, Maxamed X.Ibraahim Cigaal-na waa loo kordhiyey, horta dee wakhtigii Tuur iyo wakhtigii Maxamed X.Ibraahim Cigaal iyo wakhtigani Laba wakhti oo la simo maaha oo dee maanta dalku waa uu barwaaqaysan yahay oo nimco ayaa uu ku jiraa, waa dal dagan oo dhaqaale iyo siyaasad ahaanba u dagan, horta dee xiligii Cabdiraxmaan Tuur dad qaxoonti ah ayaa aynu ahayn oo dal ma jirin, dhaqaalana ma jirin, wax wax u kordhiyeyna guurtina uma kordhin, komishana uma kordhin ee Axdigii(Charter-kii)marka jiray ayaa u kordhiyey oo odhanaayey marka dalka la qabto madaxweynaha xilka haya ayaa Laba sanadood sii haynaya oo dee Axdigaas ayaa u kordhiyey ee cidna umay kordhin hay'ad dawladeed oo kale oo u kordhisayna may jirinee taasi mid meesha la keeno ma' ahayn, wakhtigii Maxamed X.Ibraahim Cigaal-na markii uu qabtayba dagaal ayaa ku bilaabmay dagaalkaas ayaa marna Lix bilood loogu kordhiyey marna Sanad loogu kordhiyey, markii nabad timina waa kii doorashada galay, marka horta meelahaasi meelo la soo qaato maaha, waayo Madaxweynaha meesha jooga Labadaaba waa uu ka nasiib badan yahay, waxaan leeyahay boqorka Ina Riyaale loo kordhi, laakiin mar qudha Laba sanadood oo wada socda looma kordhin ilayn saxaafada iyo dadkuba wax walba waa ogyihiinee, markii ay ugu badnayd sanad iyo Sideed bilood ayaa loo kordhiyey, Markaa waxaan leeyahay haddii muddo kordhin iman waydo, Laba sanana la waayo boqorka waxaan leeyahay dee ma adiga ayaa dagaal ridaaya dee, waxa uu yidhi waxba dhici maayaan oo halkaa waxa daba socda waxba dhici maayaan oo haddii la kordhiyana waxba dhici maayaan, haddii aan la kordhina waxba dhici maayaan oo Somaliland taa bari hore ayaa ay dhaaftay, markaa dee halkaa uu boqorku wali ka shakisan yahay anigu taa maan fahmin."Ayuu yidhi Md:Axmed Muuse Obsiiye.

Ugu danbayntiina Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo waraaq muddo kordhin uu kaga codsanaayo golaha guurtida uu u soo gudbiyey.

"Adeer illaa maantada wax qoraal ah ma hayno, guddoomiyahuna hore ayaa uu u sheegay oo wax qoraal ah oo uu hayo waa uu u cadeeyey saxaafada, wax qoraal ah oo uu hayaana nooma sheegin, guddoomiyahuna maaha nin talada maroorsada,arrintu marka ay timaado waxa la soo dhex dhigayaa golaha,golahuna Somaliland oo dhan ayaa uu ka kooban yahay oo waa meesha kaliya ee ay Somaliland ku dhan tahay cida uu u garto ayuunbaana la raacaya wax kastaba ha noqotee, markaa taa cid uu shaki ka kagaal yaanu jirin anaguna wax aanu hoos u qarsanaynaa ma jiraan, markaa taa waxaan leeyahay guddoomiyahuna ma hayo anaguna ma hayno wakhtigeediina lama gaadhin ha lasugo, marka aniga sida ay iila muuqata waa sidaas."Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Gacan.