Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Wadatashiga Oo Mawqifka Adag Ka Qaadanaya Dib U Dhaca Doorashada

0
603

Picture2Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga, waxaanay ka wada hadleen xaaladda uu dalku galayo wixii ka dambeeya 26 June 2015.

Kulanka ayaa waxa ay labada dhinac aad ugu faaqideen xaaladda siyaasadeed ee wadanka, iyagoo ay kulankaas ka dib saxaafadda u sheegeen inay ka arrinsanayeen go’aanka ay qaadan doonaan haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo oo Madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo muddo kordhin.

Geesta kale, sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali labada xisbi mucaarad iyo madasha wada tashiga ayaa toddobaadkan soo saaraya bayaan midaysan oo la xidhiidha mawqifkooda haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo. Warku wuxuu sheegay inay labada xisbi iyo madasha wada tashigu meel adag iska taagi doonaan arrintan iyagoo ku cadayn doona war-murtiyeed ay ku midaysanyihiin oo ay maalmahan soo socda ku dhawaaqi doonaan. Labada xisbi mucaarad ayaa hore siyaabo kala duwan ugu cadeeyay in haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi weydo aanay aqoonsan doonin Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa marka la gaadho 26 June 2015, waxaanay ku baaqeen in la dhiso xukuumad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho. Doorashada oo ku qoondaysan inay qabsoonto 26 June 2015, ayaa waxa ay dad badani walaac ka qabaan inaanay qabsoomi doonin marka la eego wakhtiga kooban ee hadhsan iyo hawsheeda baaxada leh.