Labada Xisbi Mucaarad Ee Waddani Iyo UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Shaqaynayso Dib U Dhaca Doorashada

0
581

bbbbbHargeysa(Geeska):-Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa si adag uga hadlay khilaafka u dhaxeeya Mudanayaasha Aqalka Wakiilada,waxaana ay Xukuumada uu hogaamiyo Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku eedeeyeen in ay khilaafkaas uga danleedahay sidii aanay dalka Doorasho uga dhici lahayn,iyaga oo sida oo kalena sheegay in ay Xukuumada Siilaanyo doonayso in sidii ay Muddo Kordhin u samaysan lahayd.

Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jira ugu qabteen Magaalada Hargeysa,waxaana ay sida oo kale tibaaxeen in khilaafka hada ka taagan Aqalka Golaha Wakiiladu uu ku salaysan yahay mid u dhaxeeya Xildhibaano Doorasho doon ah iyo sida oo kale Xildhibaano Doorasho Diida ah oo ay sheegeen in Xildhibaanada Doorasho diidka ah ay Xukuumadu dabada ka riisaxayso.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo halkaasi ka hadlay,ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin in Xubnihii Komishanka ee dhawaan uu Madaxweynahu uu soo magacaabay uu hadana u diido in la ansixiyo.

"Arrinta maanta ka socota Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida waa nasiib darro Madaxweynuhu Komishankii uu magacaabay in maanta halkii marka ay yimaadaan u yidhaahdo hadan yaan la ansixinin.oo Xukuumadu ay Golahii tidhaahdo ha ansixinina oo ay furto wax aynaan hore ugu arag Golaha oo cusub.Waa wax la yaableh xeerkii ay maanta Umaddani doorasho ku gali lahayd oo sidii Kubada kolba dhinac loo tuurayo,iyada oo la doonayo in mudada dib loo dhigo oo wax intaa ka badan aan la doonayn,wax intaa ku jiraana ma jiraan”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay Xeerka muddooyinkii danbe muranka adagi ka taagnaa ee Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo Golaha Guurtidu uu dib ugu soo celiyey Aqalka Wakiilada kaas oo ay Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ee ugu jira Golaha Wakiiladu ay guddoomiyaha Golaha Wakiilada ku eedeeyeen in uu qodobo kale ku kordhiyey,waxaana uu sheegay aanay arimaasi ay yihiin kuwo wax kama jiraan ah oo,balse aanay ahayn in Xildhibaanada arrintan ku doodayaa in guriga Saylaci kaga dhex hadlaan,balse ay arrimaha xeerkaas khuseeya ay kaga dhex hadlaan gudaha Aqalka Wakiilada.

“Xeerkaa wax Alleh wax dhiba oo yaala ma jiro,Golaha wakiiladu waa gole wakiilo oo waxa ay golahooda ku dhamaysan waayeen guriga Saylaci kuma dhamaysanayaanee,Golaha Wakiilada ayaa lagaga hadlaa waxii golaha Wakiilada quseeya.Golahii wakiilada shirbaa la qabtay maxay u diidayaan may waxa ay hayaan ay halkaas ka sheegaan.Maxay u diidayaan ee ka hortaagan.miyey ansixiyaan Komishanka Illayn waa laba arrin oo aan isku xidhminee oo ragii shalay la magacaabay loo soo lu goynayaa oo loo leeyahay hadana noqda cidi ma imanaysee.Ciyaartu sida ay u socotaa sidaas maaha waxa weeye dalka in aanay Doorasho ka dhicin,in aanay nabad galyo ka dhicin oo faraha lays kula tago.Laakiin umadda waxaan ugu baaqaynaa in ay nimankani nabad galyadaa ay inogu yimaadeen in ay nagaga tagaan,oo nabad galyadeena aan Illaa shano oo aanay raacin waxa ay wadaane si nabad galyo ah aan uga hortagno,taasanan umadda ugu baaqaynaa si aan  ujeedadoodu u fulin"Ayuu yihi Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Gurey oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhankiisa uu sheegay in Khilaafka hada ka taagan Aqalka Golaha Wakiiladu uu yahay mid u dhaxeeya oo kaliya Laba dhinac oo midna Doorasho doon yahay halka ka kalena uu yahay qaar doorasho diid ah.balse aanu ahayn mid u dhaxeeya Mucaarad iyo Muxaafad.

 “Dagaalka halkan ka socda ee Somaliland ka socdaa, maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay ishayaan doorashadoonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho diidka Somaliland oo Xall la’aan inagu wada, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay,Waxaa nasiib daro ah,Madaxweynaha qawlkiisa markaanu eegno,waxa uu yidhi “Anigu wakhtigii la ii igmaday Maalin ku dari maayo” saw madaxweyneheenii maaha oo inaynu rumaysano maaha.intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo Safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso,diyaar uu u yahay,kaalmuu waydiistay waa laga aqbalay, waana Qawl”Ayuu yidhi Md:Cali Gurey.

Md:Cali Yuusuf (Cali Gurey) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ugu danbayntii uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanay islahayn ficilkiisa uu ugu dhawaaqayo in uu doorasho dalka ka qabaayo iyo sida oo kale sida oo doorasho diidka u yahay,waxaana uu yidhi:“Ficilkiisu muxuu noqday, waa kaas doorasho diidka ah, qowlkiisuu waa doorasho doon,ficilkiisiina waa doorasho diid, dee dhinac ha iskugu guuro oo ama Xirsi iyo Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha malaha Ninkuye,wax u tudhayaane ma jiree ama Umadda ha soo raaco oo cida u nasteexa ah wax ha ka dhegaysto” ayuu yidhi Cali Guray.

Geesta kale Guddoomiyaha Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa khilaafka Golaha Wakiilada ku macneeyay muddo kordhin uu damacsan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxa uu sheegay in Somaliland caado ay ka noqotay in Ninka la doortaa iska fadhiyo Kursiga isagoon waxba qaban walibana lagu abaal mariyo mudo kordhin. “Anaga (Madasha Wada-Tashiga) nagumay cusbayn in Golaha baarlamaanku isku iman waayo iyo in Khilaafku daba dheeraado.markii madasha aanu iskugu nimid waxaa noo muuqanayay inay tani dhici doonto, sababta ay u dhacaysaana waxa weeye Madaxweynaha oo raba inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka,u jeedada iyo saldhiga khilaafkuna waa kaas.Waa Dawladda oo doonaysa in 5-ta sano markay dhamaadaan ay sii fadhido oo ay dhaqan inoo noqotay in Ninku mudadaas oo dhan iska fadhiyo oo wakhtigiisa ku dhamaysto oo wax alle wax hawl ah oo uu qabtay aanay jirin waliba hawl gabkiisii loogu abaal gudo in wakhti kale la siiyo, taasi ayaa dhaqan inoo noqotay, Rayaale ayaa korodhsaday, Siilaanyo-na tiibuu rabaa inuu korodhsado” ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kaliya ee doorashada dib loogu riixi karaa waxa weeye in Wakhtigii dib loo riixo, Komishankii hore oo la bedelay,kii Cusbaa oo aan la ansixin,labada qodob ee Shirkan Wakiilada inuu iskugu yimaado ugu weynaa waxay ahaayeen Komishankii oo la ansixiyo iyo Xeerkii Diwaangalinta oo laga daba tago. Labadaasi dib u dhigistoodu waxay keenaysaa wakhtigii oo dib loo riixo”

Xasan Guure waxa uu sheegay inay hadda muuqato in Hay’addihii Siyaasiga ahaa ee dhiiri galinayay Dimuqraadiyadu hawl gabeen sida Baarlamaanka, fulinta iyo Xisbiyadu. Waxa uu sheegay in haddii Xisbiyadu yihiin kuwo sidii loogu talo galay u shaqaynaya ay Goluhu isku iman lahaa oo si fiican u shaqayn lahaa.

Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sababta Madaxweyne Siilaanyo Mudo kordhinta ugu xusul duuban yahay “waxa kale oo aynu Ogsoonahay sababta kale ee mudo kordhinta ku jirtaa waxa weeye dee Madaxweynaha Caafimaadkiisa waad kawada dheregsan tihiin oo idinkaaba(Warbaahinta) kaga sheekeeyay oo qaar baaba ku xidhmay markii hore ee la sheegay.Waxaannu Iskuulada ku dhigan jiray Bari baa Nin Boqor ah oo aan caqli wanaagsanayni u yimid Nin Dawaarle ah oo ku yidhi Maxaad toshaa?, Dawaarlihii baa yidhi waxaan tolaa dhar aan qofka caqliga xun ama doqonka ahi arag…Boqorkiibaa yidhi bal tus oo intuu Gacmaha oo madhan kala fogeeyay ku yidhi wakaase maanad arkayn…Boqorkiiba is yidhi haddii aad tidhaa ma arko waxaa la odhan wuu caqli xun yahay Boqorku oo wuxuu yidhi Igu qiyaas oo ii tol.Boqorkii ayuu ku qiyaasay oo ku yidhi waanigaa kuu galiyay. Waxaa iska soo baxay Boqorkii oo qaawan, markaas baa dadkii la waayay qof yidhaahda Boqorow waad qaawan tahay, inan yar baa markii dambe yidhi alla bal eega Boqorkii wuu qaawan yahaye,markaasaa dadkii wada yidhi alla boqorkii wuu qaawan yahay!!!” Ayuu yidhi Mujaahid:Xasan Guure Jaamac.