Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay In La Kala Saaro Arrinta Guddiga Doorashada Iyo Khilaafka Wakiilada, Kana Digay Xumaynta Xidhiidhka Deeq-bixiyayaasha

0
648

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay in dib u dhac ku yimaado ansixinta guddiga cusub ee doorashada, isagoo sheegay in wakhtigu guddigii hore ka dhammaanayo 29-bishan Oktoobar, taas oo haddii ay dhacdo uu wadanku ku dhici doono guddi doorasho la’aan.

Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay inay saddexda xisbi qaran beesha caalamka u soo balan qaadeen in guddiga doorashada la ansixiyo ugu dambayn Axadii doraad, waxaanu ku taliyay in la kala saaro khilaafka ka dhex jira golaha wakiilada iyo arrinta qaran ee guddiga doorashada, isagoo sidoo kale ka digay in arrimahani saamayn ku yeelan doonaan xidhiidkii ay Somaliland la lahayd wadamada caalamka ee dimuqraadiyada ka taageera. Faysal, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horayn wuxuu yidhi  “Waanagii Saddexdayda Guddoomiye tagnay Nayrobi, waxa uu ahaa Wefti heer sare ah, waxa aanu la soo kulanay Beesha Caalamka, kuwii waligoodba Doorashooyinka naga caawin jiray, Laabta ayaanu u soo garaacnay, waxa aanu ku nidhi waxa walba waa naga diyaar, oo ugu dambeyn Axada oo bishu tahay 25, waxa aanu sii dayn doonaa Komishankii Haddii ILLAAHAY yidhaahdo, Guurtidana waxa aanu ka codsan doonaa inay Shir deg deg ah qabtaan, si ay iyana Xeerka u sii ansixiyaan, Wefti heer sare ah oo Bisha Afarteeda iman doona waxa aan rajaynayaa in iyaga oo waxaas oo dhami inaga wada diyaar yihiin, inaad noo timadaan ayaan ugu soo balan qaadnay haddii ILLAAHAY yidhaahdo,”. Wuxu Faysal, intaas ku daray  “Waxaad se mooda inay arintu cirka isku shareertay, waxaan ku dardaarmayaa oo Labada aqal ee Guurtida iyo Wakiilada, ugu dardaarmayaa in Danta shakhsiga laga horeeysiyo,  danta Umadda, in la joojiyo in la isku muuqmuuqdo,in la joojiyo in la isla ficiltamo, haddii la isla ficiltamana murugo iyo qoomamo ayaa ka dambeyn doonta,waxaan leeyahay arinta u dhexeeysa Wakiilada iyo arinta Komishanka ha la kala saaro, Komishanka haddii 29-ka bisha ka dhammaado wakhtigu, dalku waxa uu noqonayo bilaa komishan, waa in 29 horteeda la dhammeeyaa xaajadiisa, Madaxweynuhu waa inuu u yeedhaa, ama Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waa inuu ku dhawaaqa  in deg deg la iskugu yimaado barrito (Maanta), ama 29 bisha, waa in arinta Komishanka la dhammeeya, ee qodoba la isku hayo ee Xeerka lagu muransan ahay, waa in labada Shir gudoon ee Guurtida iyo Wakiiladu ka wada tashadaan, waa in si Masuuliyad ah looga wada shaqeeyaa, wakhti ma hayno”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu ka digay inuu dhaco muran aan loo baahnaynin, waxaanu yidhi “Haddii Wakhtiga Doorashada dhaafto Muran weyn oon loo baahnayn ayaa dhici doona,  si looga badbaado taas waxaan leeyahay wax korodhso wax waa’  ayey leedahay, waa inaynu caqli keena.” Guddoomiyaha UCID, wuxuu siyaasiyiinta Somaliland uga digay in murankoodu saamayn karo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay beesha caalamka, “Waxa aan leeyahay arintaas yaan la dhayalsanin, ceeb ayaa inaga raaci doonta, Mucaawinada ayaa la inaga joojin doonaa, waa la inaga jeedsan doonaa, xidhiidhka wada shaqaynta  ayaa la inaga goosan doonaa, waxa lagu tartamaa ma jiraan, haddii Somaliland go’doon la geliyo, imika ayeynu ku jirnaay, oo Somaliland dhaawac ayaa gaadhaya.”