“Abiy Axmed Inta Aanu Dhexgalin Somaliland Iyo Somaliya Waa In Uu Usoo Jeestaa Waaqica Ka Jira Gudaha Itoobiya”

0
911

Hargeysa(Geeska)- Getachew Reda oo hadda ah Afhayeenka (Tigray People’s Liberation Front), kana mid ahaa shanta nin ee ugu sarreysay Golaha Sare ee dawladii Melez Zenawi, ayaa ugu baaqay Raysalwasaare Abiye Axmed inuu ku mashquulo gudaha Itoobiya, inta uu isku mashquulinayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Getachew Reda xukuumadii Meles Zenawi ka noqday wasiirka warfaafinta ayay  VOA Amharic  weyddiisay Isniintii June 15, 2020 sababta uu dawladii uu ka tirsanaa ee Melez Zenawi u heshiisiin weyday Somaliland iyo Somalia?

Axmed Aadan ayaa soo turjumay waraysiga uu Getachew Reda siiyay laanta Amxaariga ee VOA.

Getachew Reda oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose: “Ethiopia waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u degdegaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo wadamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waana taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobbiya Keria Ibrahim.

Abiy Axmed inta aanu dhexgalin Somaliland iyo Somaliya waa in uu usoo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya, iyada oo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobollada gudaha Itoobbiya taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay.”

Getachew Reda oo la weydiiyay sababta uu  dib ugu dhigay doorashada Abiy Axmed in ay tahay khatarta Covid-19 ayaa ku jawaabay in aanay jirin khatar weyn oo hadda Itoobbiya uu ku hayo (Covid-19), isaga oo sabab uga dhigay in dadku ay codayn karaan iyaga oo taxadiraya si la mid ah sida hawl-maalmood koodaba ay u qabsadaan wakhti xaadirkan.

Getachew Reda ayaa waxa uu ka jawaabay sababta aanay dawladii Melez Zenawi aanay u dhexdhigin heshiis Somaliland iyo Somalia waxaana uu ku jawaabay:

“Abebe Gellaw su’aashaas aad i weydiisay waa mid muhiim ah, laakiin wali inta aanan kaaga jawaabin ayaa waxa aan mar labaad kuu sheegayaa fudaydka Abiy Ahmed.