Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Lascanod Oo Shalay U Goostay Puntland Iyo Maayarka Oo Ka Hadlay

0
509

Picture9Laasacaanood(Geeska)-Laba xildhibaan oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Laasacaanood ayaa u goostay dhanka maamul gobaleedka Puntland.

Waxa sidan wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay maayarka laasacaanood Cabdiqaadir Jaamac Saalax,waxaanu ku eedeeyay xildhibaanadaas kuwo dhib ka dhex waday golaha deegaanka oo ay doonayeen inay xilka ka qaadaan golaha deegaanku.

Ugu horayntiina maayarka  laasacaanood Cabdiqaadir Jaamac Saalax oo aanu waydiinay goosashada xildhibaanadaas waxa uu yidhi“Waxay ahaayeen xildhibaano marka horeba ku kacay khaladaad golaha deegaanka dhexdiisa ah,waxaana la doonayay markaan Laasacaanood ku laabto in xasaanada laga qaado oo uu goluhu u codeeyo iyada oo arintaasi ay jirtay ayuun baanu ka war helanay inay nimankaasi tageen,laakiin shalay ayay golahu damceen inay xasaanada ka qaadaan oo waxaan idhi arinkaas aniga ila suga.”

Maayarka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Maalmahaba golaha buuq iyo qaylo ayay ka dhex wadeen oo waxay u hanqal taagayeen dhankaas iyo Puntland.”

Maayarka oo aanu waydiinay waxa ka jira in xildhibaanadaas ay u goosteen mushahar la’aan waxa uu yidhi“Mushaharaadkooda  iyo gunaba way qaataan Laasacaanoodna waa meesha aad aragtay oo dhaqaale badan oo yaalaa ma jiro, dadka magaaladuna cashuuri kama soo baxdo,laakiin xildhibaanadu way helayeen dhaqaale fiican marka loo eego Laasacaanood.”

Labada xildhibaan ayaa kala ah Mukhtaar Mahad Cawad oo xisbiga Kulmiye ka soo baxay iyo xildhibaan Cabdilaahi Digaale oo ka soo baxay xisbiga Waddani, waxaana shalay tuulada Tukaraq ee bariga magaalada Lascanod kaga horyimid oo ku qaabilay wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo soo dhaweeyay labadaas nin ee fakadka ah.

Waa markii u horaysay ee ay xildhibaano deegaan oo Somaliland ka tirsani u goostaan dhinaca maamul goboleedka Puntland, waxaanay dhacdadani ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan madaxweyne cusub loo doortay maamul goboleedka Puntland.