Laba Daran Mid Dooro: Sucuudiga Oo Farmaajo Culays Ku Saaraya In Uu Ka Noqdo Dhexdhexaadnimadii Arrinta Qatar Iyo In Uu Ciidan Soomaali Ah Yemen U Diro

0
1059

Riyad(Geeska/W.Wararka0-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku tegey dalka Sucuudiga. Waxa aanu la kulmay boqorka iyo masuuliyiinta kale ee ugu sarraysa boqortooyada. In kasta oo masuuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Boqortooyada Sucuudiga labaduba si kooban uga hadleen booqashadan iyo waxa lagaga wada hadlay, kuna tilmaameen mid ay labada dhinac kaga arrinsanayeen arrimo labageesood ah, haddana waqtiga ay ku soo beegantay iyo duruufaha ku xeeran labada dawladood mid kasta gaarkeeda ayaa sababay in dad badan oo Soomaali iyo dunida kalaba lihi ay su’aalo badan iska weydiiyaan safarkaasi waxa uu darran yahay iyo waxa ay ka wada hadli karaan labada dhinac. Iyada oo la ogyahay in ay jiraan arrimo badan oo kala fogeyn kara labada dawladood, sida mawqifka dhexdhexaadnimada ah ee ay dawladda Farmaajo ka qaadatay go’doominta Sucuudiga iyo saaxiibbadii ku hayaan dalka Qatar, iyo dhinaca kalana xidhiidhka Sucuudiga iyo Imaaraadku la’ leeyihiin dawladgobaleedyada Soomaaliya oo u eeg mid khatar ku ah dawladda Farmaajo.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa ku warrantay in kulan dhex maray boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo dhinacyada kala duwan ee iskaashigooda. Labadaa arrimood waxa dheeraa ee ay labada hoggaamiye ka wada hadleen ayaa ay wakaaladda wararka ee Sucuudigu ku soo koobtay xaaladaha hadda ee gobalka. Laakiin labada dawladood midkoodna kama hadal arrintaas amni iyo xaaladahaas gobalka ka soo cusboonaaday ee ay ka wada hadleen, sida oo kale ma’ay sababayn muhiimadda kulamada kala duwan ee uu madaxweyne Farmaajo la qaatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, diblumaasiyadda iyo amniga ee boqortooyada, oo ay ka mid yihiin boqorka, boqor ku xigeenka oo ah dhaxalsugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan, isla markaana ah wasiirka gaashaandhigga iyo Caadil Jubayr oo ah wasiirka arrimaha dibadda.

Haddaba wargeyska Geeska Afrika oo arrintaas sii dabagalay waxa uu helay warbixin faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya waxyaabihii ay boqortooyada Sucuudigu kala hadashay madaxweynaha Soomaaliya.

Wargeyska maalinlaha ah ee Albadiil oo ka soo baxa dalka Masar ayaa warbixin uu arrintan ka diyaariyey cinwaan uga dhigay, ‘Yemen ayaa ka mid ahayd ajandeyaasha booqashada madaxweynaha Soomaaliya ku tegey Sucuudiga … Ma cadaadiskii ayaa guulaystay?”

Wargeysku isaga oo ka jawaabaya cinwaankiisa waxa uu ku bilaabay, “Sida cad Soomaaliya waxa ay cadaadis badan kala kulantay Sucuudiga iyo Imaaraadka oo doonaya in ay ku qanciyaan ka qaybqaadashada dagaalka Yemen, arrintaas oo ka muuqata faahfaahinta booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Farmajo ku tago Sucuudiga, intii ka dambaysay dhaqaale ay Sucuudiga iyo Imaaraadku siiyeen madaxda goballada Soomaaliya ee awoodda leh, si ay madaxweynaha u saaraan cadaadis ku qasba in uu u soo dabco dalabaadkooda”

Wargeyska Albadiil oo ilo-wareed u gaar ah soo xiganayaa waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo ay boqor Salmaan ka wada hadleen xaaladaha Yemen oo ahaa qodobka ugu horreeyey ee la soo hordhigay iyo sida oo kale xidhiidhka Sucuudiga iyo Soomaaliya oo uu Sucuudigu doonayo in uu gaadho heer iskaashi amni iyo milateri.

Warka Albadiil helay waxa uu intaas ku darayaa in madaxweyne Farmaajo uu dhaqso ugu dhawaaqi doono iskaashi Sucuudiga uu kala samaynayo arrimaha Yemen, laakiin Albadiil uma ay suurtogelin in uu ogaado nooca uu noqon doono iskaashigaasi iyo heerka uu gaadhsiisnaanayo.

Waxaa la filayaa in Sucuudigu uu doonayo in uu Soomaaliya ku beddelo kaalinta uu imika dalka Suudaan kaga jiro dagaalka Yemen oo ah in uu dagaalyahanno Suudaani calooshood u shaqaysteyaal u badan ahi joogaan xuduudda Yemen iyo Sucuudiga si looga hortago in Xuutiyiintu ay gudaha Sucuudiga galaan, laakiin khasaare badan oo nafeed oo soo gaadhay maleeshiyada Suudaaniyiinta ah ee dhulkaas joogtaa ay sababeen in madaxweynaha Suudaan uu gudaha dalkiisa ka fuulo culays shacbi iyo mid kaga imanaya xisbiyada mucaaradka oo lagu dalbanayo in uu faraha kala baxo colaadda Yemen.

Dhinaca kalana waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Sucuudiga oo ka faa’idaysanaya xaaladda dhaqaale ee dawladda Farmaajo oo aan fiicnayn iyo culayska maamulgobaleeddada Soomaaliya ee isaga raacsan uu madaxweyne Farmaajo cadaadis xooggan ku saarayo in uu beddelo mawqifkiisa dhexdhexaadnimada ahaa ee ku aaddan go’doominta Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo xulafadoodu ay ku hayaan dalka Qatar.

Imaaraadka

Wargeyska Albadiil ayaa sheegay in uu helay xog sheegaysa in imaaraadka Carabtu uu lacag gaadhaysa 15 Milyan oo doolar siiyey madaxda labada maamulgobaleed ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Lacagtaas oo ujeedadeedu ahayd in ay taageeraan xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar iyo in ay farogelin ku yeeshaan baarlamanka Soomaaliya si ay madaxweyne Farmaajo u saaraan cadaadis, iyo cabsi gelin ah in haddii aanu go’aankaas dhexdhexaadnimada ah ka noqon ay xukuumaddiisu waayi doonto kalsoonida baarlamanka.

Maalmaha soo socda ayaa ay caddaan doonta xaqiiqada ujeedada uu kulankaas Sucuudiga iyo Soomaaliya daarranaa, tallaaboyinka uu madaxweyne Farmaajo qaado ayaana noqon doona bidhaanta laga dheehan karo in cadaadiska Sucuudiga iyo Imaaraadku saarayaa guulaystay iyo in uu ku sii adkaysan doono mawqifkiisii hore ee dhexdhexaadnimada.

Mawqifkaas hore iyo taageerada Sucuudiga ee laga rabo mid uu qaataba, waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo iyo dawladdiisu ay culays badan oo gudaha iyo dibaddaba ah waajahi doonto. Sababta ugu weyn ee xaaladda Farmaajo ka dhigaysa labada daran mid doorro ayaa ah Sucuudiga iyo Imaaraadka oo saamayn dhaqaale iyo siyaasadeed oo badan ku leh Soomaaliya gaar ahaan maamulgobaleeddada oo imaaraadka gacanta ugu jira iyo Turkiga oo Qatar taageersan iyo Qatar lafteeda oo iyaguna saamayn aan la dhalaysan karin oo dhaqaale iyo siyaasi labadaba ah ku leh Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, galaangal badanna u leh kooxo kamid ah kutladaha sida xisbiyada siyaasadda u shaqeeya ee uu ka kooban yahay baarlamanka Soomaaliya.