GUUGUULE IYO MAANTA

0
1941

Hawada ay dawladda Somaliya la wareegtay ha ku biirto wax qabadka Axmed-silaanyo. Ma lacagteenii ayaa meesha ka baxday, ma Koonfur Afrika ayaa joojisay Basaborka Somaliland, Ma Midowgii Yurub ayaa Hargeysa ka guuray, ma jabhado ayaa samaysmay, ma dawladnimadii ayaa dabacday,  ma wada hadalada Somaliya oo god ah ayaynu dalaq ku nidhi, ma doorasho dhiig ku daatay ayaynu aragnay, iyadoon doorashooyinkii Rayaale aan la rag deero hirdiday deero kale, ma 70 wasiir ayaynu weli yeelanay, ma dhulkii ugu badnaa ayaa ganacsato laga xaraashay. Waar yaa Alle yaqaan, waxaabay noqdeen toddoba sannadood oo wareer ah.