Dawladda Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Socdaalka Madaxweyne Silanyo Ee Shinaha Iyo Arrimaha Lagala Hadlayo

2
712

 

xaaji axmedAddis Ababa (Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku joogo dalka Shiinaha.

Wasaarada khaarajiga Itoobiya ayaa qormadeeda ay Jimcaha soo saarto ee ay ku falanqayso siyaasadda gobalka Geeska Afrika, waxa ay ku sheegtay in wada hadalada Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta Shiinaha dhex mari doona diirada lagu saari doono dekedda Berbea. “Isniintii wefti Somaliland ka socday ayaa soo gaadhay Addis Ababa iyagoo ku sii  jeeda Shiinaha, waxaana hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland, xubnaha weftigana waxa ka mid ahaa marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed, Wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi, Macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, beeraha Faarax Cilmi Maxamed, Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, Maareeyaha dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo xoghayaha Madaxweynaha Cali Axmed Cali. Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in socdaalkooda Itoobiya yahay sii wadida dedaal lagu soo kordhinayo xidhiidhka dhaqaale ee labada dhinac. Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu la kulmay Raysalwasaare xigeenka ahna Wasiirka khaarajiga Itoobiya Hailamariam oo ay ka wada hadleen xidhiidhka iyo arrimo khuseeya ganacsiga. Ammaanka gobalkuna wuxuu sidoo kale ahaa ajandaha iyo weliba sida loo isticmaali karo dekedda Berbera.” Ayay Itoobiya ku tidhi qormadeeda, waxaanay intaas raacisay, “Weftigu waxay tagayaan Shiinaha waxaana jira warar sheegaya  in wada hadaladu ku salaysnaan doonaan suurtogalnimada sida uu shiinuhu u danaynayo dekedda Berbera iyo weliba in Shiinuhu maalgeliyo soo saarista khayraadka Somaliland.”

Itoobiya iyadoo si gaar ah uga sii hadlaysa dekedda Berbera, waxay tidhi, “Shiinuhu wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu Somaliland ka caawiyo waddooyinka, cuntada, tacliinta iyo baahiyaha biyaha. Waxa la soo jeediyay inay Somaliland diyaar u ahaan karto inay maamulka dekedda Berbera ka kirayso shirkadaha caalamiga ah ee maamula dekedaha sida shirkadda Hutchison Port Holding oo fadhigeedu yahay Hong Kong.”

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxa kale oo ay ka hadashay shirkadda  PetroTrans oo uu iyana fadhigeedu yahay Hong Kong oo dhawaan ku guulaysatay inay shidaal ka soo saarto Calub iyo Hilala oo ka tirsan kililka shannaad ee Somalida Itoobiya, shirkadaas oo sheegtay inay shan ama lix sanno gudahood ku soo saari doonto shidaalka Itoobiya. Shirkadaas ayaa sheegtay inay samayn doonto dhuumo shidaalka ay soo saarto ka qaada deegaanada Somalida Itoobiya kaas oo laga dhoofin doono dekeda Berbera ee Somaliland. Waxa ay Itoobiya warkeedan ku sheegtay inay Dekedda Berbera tahay mida ugu suurtogalsan ee shidaalkaas laga dhoofin karo. “Midowga Yurub wuxuu aqbalay inuu bixiyo kharash lagu sameeyo daraasadda kor loogu qaadayo jidka Berbera iyo Hargeysa iyo Togwajaale ee xuduudka Itoobiya. Aragtiyaha kale ee la tixgelin doono ayaa ah suurtogalnimada jid isku xidha Berbera, Juba oo ah Koonfurta Sudan iyo Addis Ababa.” Ayay tidhi warbixinta Itoobiya, waxaanay intaas raacisay inay jiraan warar sheegaya in dawladda Hargeysa ay jeclaan lahayd dhisitaanka jid dareen oo ku xidha gobalka intiisa kale.

 

Comments are closed.