Laanta Socdaalka Tog-Wajaale Oo Uga Digtay Dadka Ajaanibka Ah In Ay Qaataan Kaadhka Diiwaangalinta

0
497

Picture1Tog-Wajaale(Geeska)-Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee saldhigoodu yahay Degmada Tog-Wjaale ee kut aala xudyyda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa,markii u horeysay amar adag kusoo rogtey dadka aan muwaadiniinta aheyn ee ku nool halkaasi kuwaas oo ay uga digtey qaadshada kaadhka muwaadinka oo talaabo lagaga qaadi doono hadii lagu qabto goobaha diiwaangalinta ka sdocoto. Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan oo saxaafadda uga waramey talaabada ay ka qaadayaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee doonaya in ay qaataan kaadhka jinsiyada waraaqaha ka horeeya ee Diiwaangalinta Madaniga ee ka Socota Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale  ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan maadaama, ay hada Diiwaangalintu ka socoto guud ahaanba Degmada Tog-Wajaale.

"Diiwaangalintii muwaadiniinta Somaliland si wanaagsan ayay uga socotaa magaalada Wajaale laakiin Magaalada Wajaale waa Magaalo ganacsiyeed oo waxaa ku nool ama ka ganacsada dadyaw fara badan oo aan u dhalan Jamhuuriyada Somaliland sidaasi darted waxaan uga digayaa cidii aan u dhalan Somaliland ee isku dayda in ay qaadato jinsiyada Somaliland in aanu talaabo sharci ah ka qaadi-doono sharcigana la tiigsandoono, waxaa jinsiyada Somaliland qaadan kara oo kaliya sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobka afaraad waxaa qaadan kara oo kaliya qofkasta oo u dhashay Somaliland kana isirran dadkii deganaa dalka Somaliland 26kii juun 1960 iyo ka hor waxaa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland ah cidaasi uu dastuurkeenu cadeeyay ayuunbaana qaadan karta ee cid kale ma qaadan karto" Ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Waxaanu intaa kau darey hadalkiisa  in ay Magaalada Wajaale ka ganacsadaan dadyaw ka la duwan sida dad u dhashey dalka dariska ah ee Itoobiya Somalida Itoobiya Soomaalida koon fureed Soomaalida kiiniya iyo Somalidii jabuuti intuba waa ay ka ganacsadaan. "Waxaan u sheegayaa dadka ka ganacsada Magaalo ganacsiyeedkan Tog-Wajaale oo ah magaalo ganacsiyeedka ugu wayn bariga Africa sidaasi darteed waxaan leeyahay hadii laydiin ogolaaday in aad si or ah uga ganacsataan dalkan Somaliland waa in ay daan isku dayin in aad qaadataan aqoonsiga Somaliland, Ciidan Socdaal ahaan kormeer joogto ah ayaanu ka galeynaa goobaha diwaangalintu ka socoto waxaana goob joog noogu ah  xuuraan joogto ah,waxaanan usoo jeedinayaa kooxaha diiwaan- galinta wada iyo cuqaasha la joogtaba in ay ka taxadaraan in ay aqoonsiga Somaliland qaadato cid aan Somalilander ahayni"Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday Taliyihu.