Hargeysa (Geeska)- Waxa uu xidhiidhkaasi sii adkaaday markii uu raysalwasaarihii ugu horreeyey Israa’iil ku dhawaaqay mabda’ii uu ugu magac daray, ‘Go’doominta saddexaad’ David Ben Gurion oo xilka qabtay isla markii la dhisay dawladda Yuhuudda sannadkii 1948 kii, ayaa mabda’iisani uu dhigayey in Israa’iil ay xulafaysato qawmiyadaha iyo dadyowga laga tirada badan yahay, ee ku nool gobalka Bariga dhexe. Waxa uu qorshahani dadyowgan ku tilmaamay, ‘Waardiyeyaasha albaabka bari ee Israa’iil’.
Sanadkii 1963 kii ayaa uu bannaanka u soo baxay xidhiidhka ka dhexeeyey Israa’iil iyo Kurdiyiinta Ciraaq oo ahaa kuwa ugu awoodda badan uguna nidaamsan qaybaha kala duwan ee Kurdiyiinta. Waxa aanay ahayd markii ay dib u soo laba kacleeyeen kacdoonnadii hubaysnaa ee Kurdiyiinta oo aan ku qancin go’aankii ay dawladda Ciraaq ku aqoonsanaysay xuquuqda siyaasiga ah ee qawmiyadda Kurdiyiinta sannadkii 1958 kii, oo ahayd markii dalka Ciraaq uu ka dhacay kacdoonkii xukunka lagaga tuuray nidaamkii boqortooyada ee dalku isu beddelay jamhuuriyad. Sida oo kale kacdoonnada Kurdiyiintu kuma ay degin heshiiskii ay Kurdiyiinta Ciraaq iyo dawladdii dhexe ee jamhuuriga ahayd kala saxeexdeen sannadkii 1970 kii oo noqday aqoonsigii rasmiga ahaa ee jiritaanka Kurdiyiinta ay siiso dawladda Ciraaq.
Israa’iil muddo 12 sano ka badan ayaa ay ahayd garabka ugu weyn ee ay Kurdiyiinta Ciraaq xulafaystaan. Gaar ahaan ururka Barasaaniyiinta oo markaas ugua awood badana dhaqdhaqaaqyada Kurdiyiinta. Hoggaamiyihii Kurdiyiinta Mullaah Mustafa Barasaani ayaa booqashooyin ku tegey Israa’iil, sida oo kale waxaa la ogaaday in lataliyeyaal milateri oo ka tirsan MOSSAD ay si joogto ah u yimaaddaan uguna negaadaan woqooyiga dalka Ciraaq, oo ah dhulka ay Kurdiyiintu awoodda ku leeyihiin. Sida oo kale waxa ay Israa’iil dhulkeeda ku soo tababartaa dagaalyahanno iyo saraakii ka tirsan Kurdiyiinta.
Xidhiidhka fiican ee Kurdiyiinta iyo Israa’iil waxaa fududaynayey oo uu ku dhacayey raalli ahaanshiyaha dawladda Iraan oo u arkaysay in Kurdiyiinta Ciraaq oo la xoojiyaa ay daciifinayso dawladda dhexe ee Ciraaq oo colaad guun ahi ka dhexeysay.
Taageerada Iiraan ay u haysay xidhiidhka Israa’iil iyo Kurdiyiintu waxa ay joogsatay markii uu sannadkii 1975 kii heshiis dhex maray dawladaha Ciraaq iyo Iiraan. Heshiiskaas oo ay dalka Aljeeriya ku kala saxeexdeen madaxweyne ku xigeenkii markaas ee Ciraaq oo ahaa Saddaam Xuseen iyo boqorkii Iiraan ee Shaah Maxamed Ridaa’ Bahlawi. Mar kale ayaa uu awood beelay dhaqdhaqaaqii Barasaaniyiintu, kadib markii heshiiskaas dartii ay uga joogsatay taageeradii ay ka heli jireen Israa’iil iyo Iiraan.
Guuldarrada uu dhaqdhaqaaqa Kurdiyiintu la kulmay waxaa u sii raacay khilaaf gudaha Kurdiyiinta ah oo gaadhay in uu dagaal sokeeye ka dhex qarxo dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta. Dagaallo dhiig badani ku daatay ayaa dhex maray Kurdiyiintii hubaysnayd oo u kala jabay garabka Barasaani iyo garabka Jalaal Dalibaani. In kasta oo ay colaaddaasi dib u dhac weyn ku keentay dhaqdhaqaaqan, haddana sidii la filayey meesha kama uu wada bixin, oo waxa uu mar kale madaxa la soo kacay markii uu qarxay dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan ee sannadkii 1980 kii, kaas oo sababay in Iiraan ay si buuxda u garab istaagto Kurdiyiinta hubaysan ee dawladda Ciraaq ka soo horjeeday.
Dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta oo aan ka soo kaban dhirbaaxada ka soo gaadhay heshiiska Ciraaq iyo Iiraan waxa uu sii waday dagaalkii hubaysnaa ee uu kula jiray Saddaam Xuseen, oo lagu tilmaami jiray ‘Cadowga Koowaad ee Israa’iil’. Saddaam Xuseen isagun dhinaciisa waxa uu Kurdiyiinta ku qaaday weerarro milateri oo ay ku naf waayeen kumannaan Kurdiyiin ahi. Weerarrada culus ee milateriga Ciraaq ku qaaday Kurdiyiinta waxaa ka mid ahaa weerarkii suntan loo adeegsaday ee sannadkii 1988 kii ka dhacay magaalada Xalabjah oo ka mid ah deegaanka Kurdiyiinta Ciraaq.
La soco…