KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Xukuumaddu Ka Gaadhay Goobaha Waqooyiga Ee Lagu Muransanaa

0
541

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga KULMIYE ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatay goobaha waqooyiga ee hore uga xayirnaa in laga codeeyo.

3

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa soo dhaweeyay lixda goobood ee xayiraadda laga qaaday.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay socdaalkii Madaxda  Xisbiga Kulmiye ku tageen Gobolka Sool, iyo Diiwaangelinta Gobolkaas, waxaana ugu horeyn isagoo ka hadlay lixda Goobood ee xayiraadda laga qaaday uu yidhi  “Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa ka hadlay Goobihi Waqooyiga ee Doorashooyinka ka xayirnaa, ee u xayirnaa kala xadaynta, waxaanan qabaa go’aankaas uu Wasiirku ka soo saaray,ee ah in Diiwaangelintu ay ka dhacdo, maxaa yeelay qof walba oo muwaadin ahi xaq buu u leeyahay inuu helo kaadhka Cod bixinta, Wasiirka waxa uu sheegay in goobahaas ay ka dhici doonto Doorashada Madaxtooyadu, oo Doorashada Golaha Wakiiladu aanay ka dhici doonin, sida cadna Doorashadu Madaxtooyadu waa Doorasho guud oo aan muran lahayn, oo la dooranayo oo qudha Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland ayaa dooranaya,ta kale Doorashada Wakiilada waa Doorasho ku salaysan Deegaano, markaas madaama ilaa hadda muran ka taagan yahay deegaanadan, waa muhiim in aan lagu qaban Doorashada Wakiilada”.

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey socdaalkii ay ku tageen Gobolka Sool ayaa yidhi “Safar ayaanu ku tagnay Gobolka Sool, Deegaano badan oo Gobolkaas ahna waanu soo marnay, waxaanu tagnay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascanood iyo Deegaano ka tirsan Buuhoodle,ujeedada safarkaygu waxa uu ahaa in aanu dadka deegaanadaas ku wacyigelina kuna baraarujino Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta, waxaanu u tagnay oo aanu aragnay dad u heelaan oo aad u jecel Somaliland, si aad u qurux badana wey noo soo dhaweeyeen, si aad u fiicana wey isku diiwaangelinayeen,oo diyaar ayey u yihiin inay Doorashada codkooda dhiibtaan”.