“Maxay Wasiirada Beesha Madaxweynuhu Uga Baaqdeen Wanqashii Degmada Gumburaha”Xoghayaha difaaca xisbiga Waddani

0
525

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha difaaca xisbiga Waddani Khadar Cismaan Cilmi (Khadar Budle) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta ay wasiirada beesha Madaxweyne Siilaanyo uga maqnaadeen xafladii loogu wanqalay degmada gumburaha ee gobalka Hawd.

4

Siyaasi Budle, oo nagu soo booqday xarunta wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in dadka gobalka Hawd ka qadeen malaayiinta dollar ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo geliso mashaariicda horumarka dalka  “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan marti sharaftii ka qayb gashay xafladii loogu wanqlay degmada Gumburaha, waxaanan leeyahay waad mahadsantihiin. Waxase  layaab noqotay in madashii loogu wanqlay degmada gumburaha gebi ahaanba laga waayo wasiiradii beesha Madaxweyne Siilaanyo oo ah wasiirada ay talada dalku ka go’do. Inkastoo uu madasha joogay Suldaanka guud ee beeshooda iyo guddoomiyaha gobalka Hawd oo isla beeshooda ah, haddana waxa fajaciso noqotay oo la is weydiiyay sababta ay wasiiradani uga maqnaadeen madashaas oo ay bulshadii kale oo dhami joogtay.” ayuu yidhi Mr. Budle, waxaanu intaas raaciyay “Waxa dabadeedna ay arrintaasi cadaysay inay kala socdeen deegaanka gobalka Hawd iyo cidda haysa talada xukuumadda Somaliland, waxaana kale oo cadaaatay  in dadka deegaankaasi ku khasaareen halgankii ay xukuumaddan la garab istaageen doorashdii 2010. Waxa beenoobay dhammaan b alanqaadyadii ay xukuumadu u samaysay dadka deegaanka gobalka Hawd. Tusaale ahaan ma jiro hal mashruuc oo sidii loo balan qaaday loo fuliyay. Tiraba dhawr jeer ayuu Madaxweynuhu Baligubadle ka balan qaaday inuu hirgelin doono ceel biyood ay dadka deegaanku biyaha ka cabaan, laakiin balanqaadyadaas waxba kamay hirgelin. markii ay dadku quus ka joogsadeen balan qaadyadii ayay iyagu iskood ugu guntadeen sidii ay deegaankooda biyo ugu heli lahaayeen, waxaanan aad u bogaadinayaa ururka Gurmad Releif oo suurtogal ka dhigay inay yididiiladii dadka ee dhinaca xukuumadda ka beenoowday ay rumeeyaan.”

Ugu dambayn wuxuu xoghayaha difaaca ee Waddani yidhi “Waxaan dadka deegaanka ugu baaqayaa inay tashadaan maalinta doorashada oo aanu codkoodu mar dambe ka khasaarin, madaaama oo ay arkeen balan qaadyadii xukuumadda iyo KULMIYE ee beenoobay.”