Wasiiro Imaaraadka U Tagay Gunaanadka Heshiiska Dekeda

0
678

Hargeysa(Geeska)-Saddex xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada iyo maareeyaha cusub ee dekedda Berbera ayaa dalka Imaaraadka Carabta u tagay saxeexa kama dambaysta ah ee heshiiska dekedda Berbera.

2

Wasiirada saddexda ah ayaa kala ah wasiirka awooda badan ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde iyo maareeyaha dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir,  waxaanu warku wuxuu sheegayaa in wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo ku sugan dalka Masar uu isna ugu tagi doono magaalada Dubai oo lagu saxeexi doono heshiiska rasmig aha.

Wasiiradan ayaa heshiiska soo saxeexi doona markii ay dhawaan golaha wakiiladu xukuumadda u ogolaadeen inay ka kirayso dekedda Berbera shirkadda DP world.