KULMIYE Oo Beeniyay In Khilaaf Ka Dhex Jiro Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan-Saylici

0
633

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi.

1

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax khilaaf ah, waxaanu ka waramay kaalinta xisbigoodu kaga jiro abaaraha dalka ka taagan.

Ugu horayn xoghaye Xasan Siciid oo ka hadlaya khilaafka la sheegay inuu u dhaxeeyo musharaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Arintaas hadaan ka waramo  waxba kama jiraan waana arin been ah oo warbaahinta lagu faafiyey oo si qayrul masuulnimo ah u baxday, gudoomiyaha xisbigu waa musharaxii madaxweyne ee xisbiga, madaxweyne ku  xigeenkuna waa musharaxa ku xigeenka ah, markii uu dhaawacmay Saylici toos ayaa gurigiisa lagula shaqaynayey, gudoomiyaha iyo hoggaanka xisbiguna shir kasta isaga oo sariirta jiifa ayaa lagula galayey, markii la dhoofinayey saddexdii habeenimo ninka qaaday ee ilaa uu diyaarada uu  saaray aan ka iman waa gudoomiyaha xisbiga.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay aragtida ay ka qabaan qaabka xilka looga qaaday xubnihii ka tirsanaa hogaanka xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye siyaasadiisa iyo barnaamijyadiisu waxay ku salaysan yihiin inaanu fara gelin arimaha daakhiliga ah ee asxaabta kale arintaasina waa mid u taala xisbiga Waddani laakiin anagu waxaanu jecelnahay inay arimahooda dhamaystaan oo uu soo baxo xisbi awood leh oo nala tartama.

Dhinaca kale xoghaye Xasan Siciid Yuusuf ayaa ka waramay kaalinta xisbiga Kulmiye kaga jiro gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye waxa uu sameeyey in dadkii oo bakhtiyaya iyo xoolihii oo dhintay inaan durbaano laga tumin xisbiga oo aan la odhan cidan ayaa soo gashay iyo cidan ayaa soo dhawaysay waayo xaflada yar ee la qabto sadexda kun ee doolar ee ku baxaya waxay quudin karaan kun qoys oo abaaruhu saameeyeen markaa arintaas waanu joojinay anaga oo ka xun abaaraha dalka ka jira,gudoomiyaha xisbiguna waxa uu jeebkiisa ka bixiyey $40,000 waxaana la diray 300 oo booyadood oo biyo ah, qurba jooga xisbiga iyo taageerayashuna waxay ururiyeen lacag badh lagu wareejiyey guddida abaaraha qayb kalana soo socoto, xisbiga Kulmiye abaabul ayuu ugu jiraa in la galo gurmadka abaaraha gudo iyo dibadba.”