Dawladda Somaliland Oo Ku Qabatay Dalka Germany Shir Balaadhan Oo Ku Saabsan Maalgashiga Somaliland

0
680

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga JSL Mudane Dr.  Cumar Shucayb Maxamed oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalmiga ah Dr. Sacad Ali Shire iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  JSL  ayaa furay shir balaadhan oo lagaga arrinsanayo  Maagashiga JSL, shirkan  ayaa waxa ay dawladda Somaliland ku qabatay Dalka Germany  magaalada Berlin .

1

Shirakan ayaa waxa kasoo qayb galay 26 shirkadood oo caalamiya kuwaas oo daneynayay  inay maalgashadaan dalka JSL.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay  xubno kamida  ganacstada JSL  oo iyaguna wehelinayay  waftiga ay hogaaminayeen  Wasiirada Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda JSL .

Intii uu shirkani socday  ayaa waxa lagu soo bandhigay dhamaan khayraadka  ku duugan  dalka Somaliland .

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalashiga JSL  Mudane. Dr. Cumar Shucayb Maxamed  oo khud bad dheer kajeediyay goobta  ayaa waxa uu  si balaadhan uga hadlay  fursadaha dalka kajira , isaga oo ku dhiirri galiyay  maalgashadayaasha  shisheeye sidiii ay u maalgashan lahaayeen dalka ugana faa’iideysan lahaayeen fursadaha ay dawladda JSL u diyaarisay

maalgashadayaasha caalmaiga ah .

Qaar kamida Maalgashadayaasha   ayaa iyaguna  dhinacooda hadallo kala duwan ka jeediyay, iyaga oo si balaadhan ugu mabsuuday sida  wanaagsan ay dawladdu ugu suurta galisay  in maalgashadayaaal ajanabi ah ay dalka maalgaliyaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen inay imanayaan dalka JSL , si ay u indha indheeyaan  fursadahaas  badan ee uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL uu soo bandhigay.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noocisa ahee dawladda JSL ku qabato dalka dibadiisa  kaas oo si heer caalamiya loo soo buux dhaafiyay.

Dhanka kale  Waftiga uu hogaaminayay Wasiirka Ganaciga iyo Maalgahiga JSL  ayaa  kulan  balaadhan layeeshay Qurba joogta ku dhaqan dalka Germany,  halkaas oo uu waftigu  kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Wasiirka Ganacsiga  iyo Maalgashiga JSL waxa lafilayaa sidoo kale in uu maalmahan inagu soo aadan  safar iskugu maro dhamaan  dalalka la isku yidhaahdo Scandinavians  ka  halkaas oo u la shiri doono  qurbajoogta  ku dhaqan dalalkan isaga  oo kala hadli doona arrimaha laxidhiidha  gurmadka abaaraha kajira dalka.

Tan iyo intii madaxweynaha JSL  uu u magcaabay Dr.  Cumar Shucayb Maxamed  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL ayaa isbadal wayn oo horumarineed ku tallaabsatay , iyada oo laga daremayo dhaqdhaqaaqa howlaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka kajira.

Wasiirka Ganacsiga JSL Dr. Cumar  Shucayb Maxamed  ayaa u muuqda sidoo kale  inuu xoogga saaray sidii  uu  horumarin lahaa  shuruucda  Ganacsiga laxidhiidha ee ay  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL  ay mas’uulka katahay , kuwaas oo ay Wasiiradii hore ku guuleysan waayeen.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL  ayaa in badan  lagu xaman jiray inay tahay fadhiid, balse waxa lafilayaa dardar galinta  Wasiir Cumar Shucayb  inay wax badan ku soo kordhin doonto, tallaabooyinka  horumarineed ee dhaqaalaha dalka.