KULMIYE Iyo Waddani Oo Ku Loolamaya Awdal Iyo Selel

0
559

Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi ee Waddani iyo KULMIYE, ayaa dareen olole u bedelay diiwaangelinta ka socota gobalka Awdal, waxaanay labada xisbi ku jiraan baratan adag.

1

KULMIYE iyo Waddani oo ay kala horkacayaan Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo ah labada nin ee uu dhex mari doono tartanka doorashada madaxtooyada ee ugu adagi, ayaa waxa ay socdaalo ku marayaan degmooyinka kala duwan ee gobalada Awdal iyo Selel, waxaanay mararka qaar ku kulmaan qaar ka mid ah magaalooyinkaas.

Cirro iyo Muuse, oo kala horkacaya wufuud balaadhan oo ay galbinayaan baabuur tiro badani, waxa ay dadka gobaladaas ku sugan iyo saxafiyiinta weheliyaa sheegayaan in safarkoodii ahaa wacyigelinta diiwaangelinta doorashadu uu isu rogay loolan siyaasadeed oo ay ku kala jiidanayaan shacabka ku sugan labada gobal, iyagoo kudbado ay doonayaan inay ku kasbadaan quluubtooda u jeedinaya shacabka ku sugan magaalo iyo deegaan kasta oo ay soo maraan.

Magaalada Saylac ee xarunta gobalka Selel oo ay weftiga labada xisbi habeen u hore wada jir ugu hoyden ayaa noqotay xarun siyaasadeed, waxaana magaalada laga dareemay suuq siyaasadeed oo u dhexeeya labada xisbi, dhinaca kalena u dhexeeya Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro.

Sidoo kale labada wefti ayaa xalay u wada hoyday magaalada Lawyacado, waxaana la filayaa inay caawa soo gaadhaan oo ay isugu yimaadaan magaalo madaxda gobalka Awdal ee Borama, oo uu murashaxa madaxweyne-xigeen ee KULMIYE Cabdiraxmaan Saylici oo ah madaxweyne-xigeenku kaga hadhay weftiga KULMIYE ee uu ka tirsanaa.

Geesta kale, labada xisbi waxa ay dhex marayaan deegaano ay ka jirto abaar ba’ani, kuwaas oo uu xisbi waliba wixii itaalkiisa ah ku caawinayo.

Loolankoodan ayaa la tilmaamayaa inuu aad u xoogaysan doono marka ay diiwaangelintu ka bilaabanto gobalka caasimadda Hargeysa ee Maroodi-jeex oo noqon doona gobalka ay iska diiwaangelin doonaan kana codayn doonaan dadka ugu badani.