Kulmiye Iyo UCID Oo Ku DHawaaqay Diiwaangelintii Codbixiyayaasha Iyo Komishanka Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Waddani

0
169

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay in loo diyaar garoobo doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka isla makaasna xisbiga Ucid waxa uu shaaciyay inuu dhawaan qaban doono codsiyada musharaxiinta xisbigaas u ordi doona.

Xisbyada ayaa sida oo kale wada jir shacbiga ugu soo jeediyay in ay u diyaar garoobaan diiwaangalintii doorashada kadib markii ay kulan la qaateen komishanka doorashooyinka oo soo bandhigay waxyaabo ay ku kordhiyeen diiwaangalinta cod bixiyayaasha Somaliland, waxaana xusid mudan in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani aanu shirkaas qayb ka ahayn walina uu taagan tahay diidmadii uu ka muujiyay komishanka hada sii shaqaynaaya.                                        Ugu horayntii waxa warbaahinta xaruntiisa kula hadlay guddoomiyaha komishanka doorashoyinka Eng.Cabdiqaadir IImaan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“ Dib ayaanu isugu yeedhnay dadka daneeya doorashada oo ay ugu horeeyaan sadexda xisbi qaran 2018-kii bishii labaad iyo sadexaad ayaanu qabanay duruustii laga bartay diiwaangalinta, warkii aanu ka helnay xisbiyada,bulshada iyo dadka daneeya doorashooyinka oo ay ku jiraan qaadhaan bixiyayaasha ayaanu ku dabaqnay inaan tayadii iyo hanaankii diiwaangalinta kor u qaadno oo waxii ka dhinaa aanu ku soo darno, waxaana ku jirtay in nidaamka qaran ee aynu qaadnay mid waara oo mustaqbalka sii socda oo komishanba uu komishan u dhiibo.”

guddoomiyaha komishanka doorashoyinku waxa uu sheegay inay dhamaysan doonaan mudo xileedkooda “ Anagu waxaanu nahay komishan qaranka u qaabilsan doorashoyinka sadexda xisbina dhex ayaanu u nahay anaga waxa naga go’an farsamdii iyo aqoontii iyo qalabkii iyo wax qabadkiiba inaan u diyaarino, waanan u dirinay waanuna la xidhiidhnay sadexda xisbiba, markaas sadexda xisbi iyaga ayaa ikhtiyaarka leh iyaga weeye dadka wax loo qabanayaa iyaga weeye dadka ku galaaya doorashada qalabkan aanu casriyaynay iyaga ayay ahayd inay yimaadaan oo su’aalo naga waydiiyaan oo fahmaan waxay doorashada ku gali lahaayeen, waxaan maqlaynaa xisbigu ( Waddani ) inuu leeyahay doorashada waan ka qaybgalayaa dhacaysa12/12/2019 qalabkii lagu samaynaayayna ma daawanaayo oo ma imanaayo laba is qabnaaya maaha waanuna la hadalnay, waraaqona waanu u qornay in aanay tani ahayn wada shaqaynta anaga iyo iyaga ka dhaxaysa waayo anagu shaqiysan isuma haysano waa mid laba haayadood  ka dhaxaysa, xisbi iyo haayad u shaqaysa waajibaadkayagii anagu waanu gudanay tilifoona waanu u dirnay waraaqna waanu u qornay ikhtiyaarkana xisbiyadu iyaga ayaa leh laguma khasbaayo, gudida doorashooyinka qaranka mar hore ayaa laga saarayba markay go’aamiyeen guurtidu 12/12/2019 ay doorashadu dhacayso anaga xilkayagu wax auu ku eegyahay 24/11/2019 intaas xilkayagu ku eeg yahayna qaranka waanu u shaqaynaynaa.shaqadii qaranka waanu qabanaynaa laakiin doorashadu mudo xileedkayaga waa ay ka baxsantahay ”                                  Guddoomiyaha xisbga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa ka waramay diiwaangalinta iyo kulankooda komishanka isaga oo ku sugan xarunta komishanka“ Diiwaangalinteenu waxay ay soo martay marxalado badan mar waxa jirtay kaadh la qaadan jiray oo aan Computer la isticmaali jirin, marka jirtay la yidhi suulka halagu sameeyo, markii ugu danbaysay waxa aynu nidhi isha budeeda aan qaadno, tii ayaa la darsay xagay ka iman kartaa daldalool shirkad koonfur afrikaan ah ayaa la keenay lacagtana Ingiriiska ayaa bixiyay tii ayay soo bandhigeen si aan wax tuugo ah u dhicin,maxaa yeelay waxaan ka fakirnaa sidii nidaam  kastaba loo xadi lahaa, markaas nidaam fiican ayaa loo sameeyay aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa shaqo wanaagsan ayay qabteen xafiiskii maalgaliyay oo Ingiriiska ahaana aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa.”                                                                                                  Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inay bilaabayaan diiwaangalinta musharaxiinta doorshada ee xisbigooda “ Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa doorashadii waa ay inoo dhacaysaa waxaan leenahay ha la diyaar garoobo, baarlamaankeena iyo dawladaheena hoose wakhtigoodii waa uu dhamaaday haduu wakhtigu dhamaadana waa inay ka baxaan meesha toban sano ayaynu sugaynay inaan baarlamaan cusub helno, waxaanu leenahay cidii doonaysa inay iska sharaxdo xisbiga UCID waanu bilaabaynaa diiwaangalintii soo keensada shaqadiina waa la bilaabayaa, waan ognahay shabigu doorashada waa ay naceen wax is badal ah ayay waayeen doorkan waxaan doonaynaa baarlamaan fiican iyo dawlado hoose oo fiican inaga oo ka faa’idaysanayna khaladaadkii hore oo doonayna qofka aynu xilka u dhiibayno inaan damiirkiisa eegno dhaqaalihiisa iyo akhlaaqdiisaba aan eegno, shuruudo ayaan soo kordhinayaa aan doonayno inaan la wadaagno laba xisbi oo hadhowna aanu ka dhigno shuruudo qaran. Shacbiga Somaliland waxaanu leenahay diyaar garooba diiwaangalintii dhakhso ayaa loo galayaaye.”

Wasiirka arimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in loo diyaar garoobo diiwaangalinta codbixiyayaasha  “ Komishanku waxa ay soo diyaariyeen barnaamij aad iyo aad u tafatiran oo daah furaaya halkii ay maraysay diiwaangalinteenii ugu danbaysay ee dadka indhaa laga qaadayay inay iyaguna sii diyaariyaan duruustii laga soo bartay intii diiwaangalintaas aynu soo galnay, waa tii isha oo la sii casriyeeyey, ayay soo bandhigeen waanu la waafaqsnay barnaamijkaas,waxaanu leenay shacbi weynaha Somaliland isku diyaariya diiwaangalintaas, waxay suurto galinaysaa in qof waliba uu doorto cidii uu doonayay inay ka matasho meelaha go’aanka qaranimada laga gaadho,dadka waxaanu leenahay diyaar garooba hawshii waa ay imanaysaa xisbiyada dadkooda taageerayaasha ah iyo guud ahaanba shacabka waanu u gudbinaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.