Khilaaf Sharci Oo Ka Dhex Qarxay Wakiillada Iyo Guurtida, Xukuumadda Oo Uu Ku Fiday Iyo Khatarta Ka Dhalan Karta Haddii Aanay Maxkamadda Dastuurigu Go’aan Ka Gaadhin

0
842

Hargeysa (Geeska)- Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday.

Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda.

Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda.

Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey.

Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo.

Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha.

Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida.

Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha.

Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah.

Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole.

Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay.

In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here