Kulankii Shalay Ee Saddexda Murashax Oo Baaqday, Maanta Oo Ay Balansanyihiin Iyo Ujeedada Shir Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada

0
535

Hargeysa(Geeska)-Kulan la filayay inay shalay isugu yimaadaan saddexda murashax madaxweyne iyo guddiga doorashooyinku, ayaa si kedis ah u baaqday, waxaana baajiyay aragtiyaha kala fog ee ay ka taaganyihiin saddexda murashax in doorashadu qabsoomi karto iyadoo abaar xuni dalka ka jirto.

1

Laakiin, waxa qabsoomay kulan aan toos ahayn oo uu Eng. Faysal Cali Waraabe siyaabo gooni gooni ah ula yeeshay labada murashax ee kale ee Muuse Biixi Cabdi oo ka socda KULMIYE iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka socda Waddani.

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu Eng. Faysal Cali Waraabe weydiiyo natiijada kulamadaas, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxase uu xaqiijiyay inuu labada murashax ee kale la yeeshay laba kulan oo kala duwan islamarkaana aanu ka hordhacayn inta ay natiijo isla gaadhayaan.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in saddexda murashax maanta isugu imanayaan kulan wada jir ah oo aanay cid kale ku wehelin, kaas oo ay kaga wada hadli doonaan xaaladda dalka soo waajahday iyo sida ay aragti midaysan ugaga gudbi karaan.

Laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan inay adagtahay sida ay mawqif ay u midaysanyihiin uga qaataan warbixinta ay guddiga doorashooyinku soo bandhigeen ee ah inaanay inta badan dadkii isdiiwaangeliyay joogin goobihii kaadhadhka cod bixinta loogu gayn lahaa.

Geesta kale, warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in xalay uu madaxtooyada ka dhacay shir muhiim ah oo lagaga tashaday xiisada siyaasadeed ee taagan, waxaanu warku sheegay in shirka oo ay ka qayb galeen xubno wasiiro khusuusi ahi si weyn loogu faaqiday warbixinta guddiga doorashada iyo geesta kale baahida dalku u qabo in doorasho qabsoonto. Laakiin lama hayo go’aan rasmi ah oo shirkaas la iskula qaatay.

Si kastaba ha ahaate, kulanka maanta ee saddexda murashax oo ay guddiga doorashooyinku banaanka ka yihiin, ayaa loo dheg taagayaa natiijada ka soo bixi doonta.